Faah Faahin Ku Saabsab Dabkii Ka Kacay Kaalin shidaal Ku Taal Ceelasha Biyaha
Muqdisho (MMedia) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab qasaaro hantiyadeed gaystay oo barqonimadii maanta ka kacay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dabkaani oo ahaa mid xoggan ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka kacay Keyd shidaal oo ku yaalla deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho kaasi oo sida la sheegay gaystay qaraaro hantiyadeed oo aad u ballaaran.
Goobjooge ku sugnaa halka uu dabka ka kacay ayaa waxa uu Idacadda Shabelle u sheegay in dabka uu ahaa mid xooggan oo gaystay qasaaro hantiyadeed oo ay ku bas beeleen goobo ganacsi oo kor u dhaafaya ilaa 10- oo ay ku jireen guryo halkaasi ka akdhawaa,
Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxa uu goobjoogaha sheegay inay kasoo horjeedo saldhig ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana uu intaasi ku daray in markii uu dabka bilowday ay ciidamada Al Shabaab dhinacyada u fureen rasaas ay ku kala raacdeenayeen dad weyne isugu soo baxay nawaaxiga halka uu dabka ka kacay ee Ceelasha-biyaha.
Dabka oo hada lagu soo waramayo in uu damay kadib markii ay biyo ku rusheeyeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxaan la ogeyn qasaaraha nafeed ee uu gaystay marka laga reebo hantida halkaasi ku bas beeshay, waxaana ilaa hadda aan cadeyn waxa dhaliyay dabkaasi.
Aroornimadii hore ee shalay ayay aheyd markii dab gaystay qasaaro hantiyadeed uu ka kacay Dhismo ka kooban guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla Nawaaxiga saldhiga Afar-irdood ee degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir kaasi oo markii dambe lagu guulaystay damintiisa.
Maakhir Media Muqdisho
