Diyaaraddii ugu horreysay oo WFP ay gargaar ku geyso Soomaaliya oo ka dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho
Muqdisho(MMedia) Diyaaraddii koowaad oo WFP ay gargaar hawada ah ku geynayso Soomaaliya ayaa 4:00 galabnimo ee maanta cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana diyaaraddan ay hordhac u tahay diyaarado kale oo gargaar kala duwan geyn doona Muqdisho maalmaha soo socda.
Gargaarka ay waddo diyaaradda ayaa waxaa ka mid ah raashin nafaqeysan, raashin caadi ah, teendhooyin, bustayaal iyo maacuun, waxaana lagu wadaa in gargaarkan la gaarsiiyo barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho.
Agaasimaha barnaamijka cunnada adduunka ee WFP Jesette Sheeran ayaa horay u sheegtay in gargaarka ay duulimaadka ku gaarsiinayaan Muqdisho uu yahay mid ay ugu talogaleen in si dhaqso ah loogu caawiyo barakacayaasha abaaraha ee aadka u itaalka daran.
“Xaaladda ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo barakacaya abaaraha waa mid aad u daran, taas ayaana keentay inaan gargaar dhinaca hawada ah u dirno Soomaaliya,” ayay tiri Sheeran oo wariyeyaal la hadlaysay.
Gargaarkan ayaa laga soo duuliyay dalka Kenya, wuxuuna jawaab u yahay codsiyo ay dowladdu horay ugu dirtay hay’adaha gargaarka, iyadoo dhawaan diyaarado sida gargaar ay ku deeqday dowladda Kuwait ay kasoo dageen garoonka Muqdisho.
Dhanka kale, saakay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo dagtay diyaarad kale oo wadday mucaawino, taasoo ay keentay hay’adda Concern, waxaana gargaarka ku jiray raashin loogu talogalay in haweenka iyo caruurta macluulsan lagu nafaqeeyo.
Hay’adda WFP ayaa ka mid ah hay’adaha ay Xarrakatul Shabaab horay uga joojisay inay ka shaqeyaan gobollada ay ka taliyaan, balse agaasimaha hay’adda waxay sheegtay inay gargaarka gaarsiin doonaan dadka ku dhibaarteysan gobollada ay ka taliso Al-shabaab iyadoo adeegsanaysa ururro gargaar oo maxalli ah.
Maakhir Media Muqdisho
