Madaxweyne Siilaanyo oo Sii Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorame
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal. Waxaana duleedka degmada Dilla si diiran ugu soo dhaweeyay Boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiinta Maamulka gobolka Awdal.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa socdaalkiisan Magaalada Boorame ku weheliya Marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamaanka (Guutida iyo Wakiiladda).
Madaxwweynuhu waxa uu magaalada Boorame saaka kaga qeyb galay xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen 192 arday oo wax ka bartay Jaamacadda Cammuud ee Magaalada Boorame, kuwaasi oo ka baxay lix kuliyadood oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, dawooyinka, Beeraha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Xisaabaadka.
Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka xafladan ay ku qalin jabinayeen ardayda ku dhow 200 ee arday, waxaanu ardaydaasi ugu baaqay inay dalkooda u shaqeeyaan oo ay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka qalin jabiyay Dugsigii sare ee Camuud, waxaanu maamulka Jaamacada ku ammaanay horumarka ay ka sameysay jaamacaddu dhinaca waxbarashada dalka, waxaanu balan qaaday in xukuumaddiisu ay dhiiri gelinayso tayaynta waxbarashada sare.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, oo ka waramay sooyaalkii waxbarasho ee jaamacadaasi. Guddoomiyuhu waxa uu uga mahad celiyay Madaxweynaha ka qeyb galka xafladan.ugu dambayn waxa Madaxweynuhu shahaadooyin gudoon siiyay Ardyadaasi.
Dhinaca kale, Maamulka Jamaacada Camuud ayaa weftiga madaxweynaha qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Rays ee magaalada Boorame.
Sidoo kale, Weftiga Madaxweynuhu waxay Huteelka Rays kula kulmeen waxgaradka gobolka Awdal waxaana la sheegay inay ka wada hadleen ilaalinta nabadda iyo sidii meel looga soo wada jeedi lahaa wada jirka ummadda reer Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo galabta ayuu ka soo ambo baxay magaalada Boorame waxaanu dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa.
Maakhir Media Hargaysa
