|

Xafladii Lagu Taageerayay Maakhir University ee Minneapolis

Minneapolis(MMedia) Xaflad mudooyinkanba aad loo dhowrayay ayaa ka dhacday Magaalada Minneapolis ee Cariga Maraykanka Xafladan oo gudhingeedu ahaa sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa Maakhir University Badhan ayaa u dhacday sidii loogu talagay waxaanay kazoo qayb galay Aqoonyahano Soomaali iyo ajanabiba isugu jira sidaan hore idiinku sheegnay waxana ka mida ahaa Dr Saed Fahia,Prof Ahmed Ismacil Samatar,Prof Hasan Ahmed,Prof Don Hawkinson,Prof Al Mcfarlane Iyo Col Maxamed Cabdi Qaac oo ku hadlaya Magaca Reer Maakhir kusoo dhaweeyay Marti Sharaftii kazoo qayb gashay Xaflada waxa kale oo aan la iaawi Karin Imaam Maxamed Diini oo ahaa u qayb sanaha Uruurinta dhaqaalaha Maakhir University oo run ahaantii qayb libaaxle ka qaatay waxa kale oo Xaflada lagu soo dhaweeyay Fanaanka Farshaxanka Amiin Aamir Arts uu xaga sawirada ku taageera Jaamacada dhinaca Fanaanniinta waxa ku suganaa Xaflada Fanaandaha kala ahaa Hibo Nuura iyo Cadar oo ka qayb qaatay dhiiri gelinta xaga waxbarashada waxaan dabyar shidin Abwaanka Da,da yare e wacdaraha ka dhigay Xaflada Mr Cawil siciid (Luqmaan)

Inkastoo aan loo kala hadhin Xaflada Maakhir University ayay hadana madasha  lagu qabtay ahayd goob si wayn loo qurxiyay si heer sarena loo soo agaasimay waxaanay dadwaynaha kazoo qayb galay kor u dhafeen dad lagu qaiyaasay ilaa 400 qof oo isugu jira Aqoonyahano,Waxgarad,Abwaano,Fanaaniin iyo Farshaxanka caanka ka noqday Geyiga Soomaaliyeed Amin Amir waxaanay dhamaantoo ku arooraysay weedhahooda sida loogu ooman yahay waxbarashada iyo baahida aadamuhu u qabo

Xafladan qiimaha badan may ahayn mid qoraal lagag dhergi karo laakiin waxay u baahan tahay inaad indhahaaga iyo dhegaahaba ku maasho wixii halkaa lga soo jeediyay ee ku saabsanaa aragti ku salaysan Aqoon gaamuraty iyo dhiiri gelin laysku dhiirigelinayo sidii gacan looga gaysan lahaa barbaarta aan awoodin inay bixiyaan dhaqaale ay ku dhamaystirtaan aqoontooda

Aamina c/laahi oo ah gabadhii aas aasatay fikirka Jaamacada ayaa u ka warbixisay waxyaabihii u kelifay inay dhidibada u taagto Maakhir Unversity iyo sababihii keenay ka dib markii ay ka danqataya wiilal sadex sano ka hor dhameeyay Dugsiyadii sare oo aawoodi kari waayay inay sii wataan waxbarashadooda duruufa dhaqaale awgeed Aamina ayaa u mahad celisay kazoo qayb galayaashii iyo dhamaan intii gacan ka gaysatay qaban qaabada Xafladan qiimaha badan wxaanay ku soo gunaanaday hadalkeedii weedh ahayd hadaynu rabno inay dadkeena iyo dalkeena caawino waa awoodnaaye yaan laga daalin.

Wixii faahfaahina ee xafladan ku saabsan fadlan ka daawo boga hore   

Maakhir Media Minneapolis

Comments are closed