Dadaal Lagu doonayo Sidii loo Sii Dayn Lahaa Markabkii Shidaalka U Waday Berbera oo Ka socda P/land
Boosaaso(MMedia) Waxa ka socda Maamul Goboleedka P/land dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Markab Shidaal u siday Shirkada Redsea ee laga lee yahay Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargaysa Markabkan oo lagu magacaabo Mv Juba Xx ayaa budhcad abdeeda u gaca galay mudo hada laga joogo Sadex wiig waxaanay lasoo aadeen dhinaca deegaamada Xeebaha Bari ee P/land
Shirkada Redsea ayaa ka ganacsata shidaalka waxaanu afduubkani kusoo beegmay xili laga dareemayo dhamaan Gobolada Somaliland Shidaal yari ka dib markii laga saaray Berbera Shirkadii qandaraaska ku haysatay keenista shidaalka ee Total
Ergo ka socota Somaliland oo isugu jirta Maamulka Shirkada iyo Isimo ayaa ku sugan Magaalada Garoowe kuwaasoo ka codsanaya Maamulka Iyo Isimada P/landba inay ka howl agaalan sidii loo siidayn lahaa Markabkaa u rarnaa Ganacsatada reer Hargaysa iyadoon lagu xirin wax shuruuda
Madaxwenye Faroole ayaa la sheegay inuu ku jiro dadaal uu ku doonayo sidii loo siidayn lahaa Markabkaasi waxaanau xidhiidh la sameeyay cid alaale cidii wax ka qaban karta xoog iyo xalba waxaanu fariimo u kala diray hayadaha ay khusayso sidii loo soo furdaamin lahaa Markabkaas
Dhinaca Isimada ayaa wada dadaal la mida ka Madaxweynaha waxaanay baaqyo usoo jeediyeen Budhcad Badeeda iyagoo ka codsanaya inay si shuruud la,aan ku sii daayaan Markabka ay afduubka u haystaan waxaanay ka dalbadeen inay ilaaliyaa Islaamnimada iyo Deriswanaaga ka dhaxeeya labada Maamul
Afhayeenka Isimada P/land Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa shalay maruu ka qayb galay Siminaar lagaga hadlay sidii loo adkayn lahaa Amniga oo ay soo qaban qaabisaya Hayada PDRC ayaa ugu baaqay Budhcad Badeedu inay shuruud la,aan kusii daayaan Markabka ay ka Afduubeen Bada Cadmeen iyagoonw ax shuruuda ku xidhin
Dadaalka lagu doonayo in lagu siidaayo Markabka Shidaalka Sida kuma eka madaxdhaqameedka iyo Maamulka P/land waxa iyana dhinacooda ka wada Ganacsatada iyo Culima awdiinka P/land kuwaasoo iska kaashayana sii daynta Markaas waxaanay xidhiidho la sameeyeen waxgaradka ku sugan deegaanka markab ka lagu hayo iyagoo u soo jeediyay inay budhcad badeeda ku qanciyaan in ay fasaxaan markabka iyo shaqaalahiisaba.
Maakhir Media Boosaaso
