|

Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland oo La Ansixiyay

Hargaysa(MMedia) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta sheegay in Mudaneyaasha labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladdu) ay maalinta bari yeelan doonaan fadhi wada jir ah oo ay ku ansixinayaan Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray Maanta waxaanu xusay in Mudaneyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland lagu wargelinayo fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan Guurtida iyo Wakiiladda oo lagu ansixinayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo uu Madaxweynuhu ansixintiisa ka soo dalbaday Goleyaasha sharci dejinta.

Guddoomiyuhu waxa uu Mudaneyaasha ku wargeliyay inay ka soo qeyb galaan fadhigaasi wada jirka ah isla markaana ay wakhtiga dhowraan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay ka dib markii xilka laga qaaday Garsooreyaashii iyo Guddomiyihii Maxkamada Sare oo loo tirin jiray inay xudun u ahaayeen cabashooyinkii shacbiga ee la xidhiidhay cadaalad darrada hadhaysay maxkamadaha dalka.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed