Shirweyne guurtida Absame iyo Adeerkood oo ka dhacay Dhoobleey
Dhoobley(MMedia)Maalmihii lasoodhaafay waxaa magaaladda Dhoobley ee xuduudda ah kusoo qulqulayey odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka kale ee Kusugan gudaha gobolka. Odayaashan oo ka kala yimid inta badan ee degmooyinka uu kakooban yahay gobolku ayaa waxaa udhamaaday qaybtii koobaad ee shirkooda. ilaa hadda waxaa ladoortay 15 xubnood oo laguwado inay noqdaan gudi joogta ah oo ay yeelato Beesha absame iyo adeerkood ee goboladda Jubbooyinka waxaana lamagacaabay gudoomiye, G/kuxigeen iyo afhayeen .
Shaqadda ugu muhiimsan ee guddigan ayaa ah matalaadda danaha guud ee goboladda Jubooyinka iyo laxaajoodka dhamaan beelaha kale ee daga gobolka kohor inta aan lagu dhawaaqin maalmul Goboleed larabo in dhawaan looga dhawaaqo gobolka. Shirkan oo ah mid odayaashu iskood isugu xilsaareen ayaa waxay kaalmo xagga farsamadda ah kahelayaan Ururka Raskanbooniyiinta ee kusugan dhoobley.
Dadwaynaha ku dhaqan gobolka ayaa uriyaaqay abaabulkan kasocda gudaha wadanka , soona dhaweeyey in xalaadda gobolka laagaga arinsado ama loogawadahadlo geedka hoostiisa. waxaan dhamaan lawadasocondoonaa go,aamadda kamadanbaysta ah ee kasoobaxa shirkan oo lagu wado inoo soogabagaboobo maanta oo Sabti ah.
Waa markii ugu horeysey ee shir noocan ahi ka dhaco magaalada Dhoobley iyadoo xiliyadan ay gobolada jubooyinka kasoo baxayaan siyaasado kala socda oo aan la ogeyn meelaha ay ku danbeyn doonaan.
Kismaayonews
