|

Waxa Gebi Ahaanba Bur Bur Qarka U Saaran Xisbiga Ucid Laba Garabna U Kala Jabay

Hargaysa(MMedia) Waxa gebi ahaanba bur bur qarka u saraan Xisbiga Siyaasiga ah ee Ucid oo ka tirsan sadexdii Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland kaasoo ku guul daraystay labadii doorasho ee ugu danbaysay. Xisbigan oo uu Gudoomiye u ahaa Faysal Cali Waraabe ayaa xilkii laga qaaday bishu markay ahayd 24/07/11 waxaana Gudoomiye ku meel gaara loo doortay Aadan Waqaf oo ahaa kuxigeenkiisii

Xil ka qaadista lagu sameeyay faysal Cali Waraabe muu aqbalin waxaanuu ku tilmaamay sharci daro waxaanu sheegay inuu  yahay Gudoomiyaha sharciga ah madaama aan weli la qaban shirweynihii Ururka waxaanu Magaacabay Gudida qaban qaabada shirwaynaha Ururka kaasoo dhici doona laba beri ka dib

Dhinaca kale garabka isbedeldoonka Xisbiga Ucid ee uu hogaamijayo Aadan Mire Waqaf ayaa shirjaraaid oo uu ku qabtay Hotel Guuleed park ayaa  u sheegay Saxaafada madaxa banaan inuu sharciga waafaqsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay Faysay Waraabe xilkiina uu kaga eg yahay 26ka bishan oo ku began maalinta beri wixii ka danbeeyana uu yahay xubin ka mida Xisbiga waxa kale oo uu sheegay in shirwaynihii Xisbigu la qaban doono 7-8 bisha 9aad waxaana lagu dooran doona hogaan cusub

Inkastoo Xisbigu u kala jabay laba garab ayaa durba waxa bilaabmay in Faysal qayla dhaan u dirto taageerayaashiisa isagoo ku musanaabaya in Xisbigii laga in qailaabay dad aan xisbiga kusoo tacbina inqilaabayaan waxaana Xarunta Xisbiga maanAt isasoo hortubay dad u badan haween iyo caruur kuwaasoo ku dhawaaqyay erayo lagu taageerayo Faysal Waraabe lagagana soo horjeedo garabka kale ee isbadel doonka ah waxaana meel aan sidaa uga fogayn shir uga socday garabka kale ee uu hogaaminayo Mr Waqaf

Waxa marag ma doonto ah inXisbiga Ucid oo ahaa xisbiga u taageerayaaasha yaraa labadii doorasho ee ugu danbaysay la sadaalinayay inay soo foodsari doonto bur bur ku yimaada Xisbiga sababta oo ah Gudoomiye Faysal oo aan ogolaandoonin in uu xilka iska casilo madaama ay lasoo gudboonatay laba guul daro oo is xigta waana ta manta haysata Xisbiga Ucid oo u badan dad Qurba jooga

kala jabka hada ku yimi xisbiga Ucid aya soo dhawaynaysa xiligii la kala diri lahaa Ururka oo hada dhisnaa mudo laga joogo 10sano wax guulana aan soohayn waxaana sabab u ahaa Gudoomiyaha oo aan lahayn Khibrad Siayaasadeed iyo mid kasbasho toona waxaana lagu xantaa inuu yahay siyaasi jecel inuu meelaha fagaaraha hadba cid ka aflagaadeeyo ama dhaliilo aan u hubsan dusha kaga tuura hadba qofkii farta loogu fiiqo

Faysal ayaa noqon doono hogaamiye sumcad daro kaga taga taageerayaashiisa isagoo xilkii ka dhamaaday isku dhejinaya waxaanuu Xisbigii uu mudada soo hogaaminayay dhaxalsiiyay jajab iyo in la kala dareero waxaanay fursad wayn u noqonaysaa xisbiyada dhawaan la furi doono kuwaasoo tar tan u geli doono xisbigii noqon lahaa sadexda xisbi ee doorashooyinka soo socda ka qayb geli lahaa Doorashooyinka Dowladaha Hoose,Baarlamaanka iyo ta Madaxtooyadaba.

 Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed