Wasiirka Maaliyada P/land oo Ka Huleelay Markii Ganafka Lagu Dhuftay Qorshihii Uu Watay
Garoowe(MMedia) Iyadoo si wanaagsan uu soconayo fadhiga baarlamanka Puntland ayaa maanta waxaa golaha baarlamanka Puntland la horkeenay qorshe ay soo gudbiyeen golaha xukuumada Puntland oo ku aadan Arimaha qarashaadka.
Qorshahan ayaa dhigaya in dawlada loo kordhiyo qiimaha ay ku badalato lacagta shilin somaliga ee canshuurta lagu soo qaado.
Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali shire oo kulankan hor yimid baarlamanka ayaa waxaa uu halkaasi ka akhriyay waxyaabaha ay doonayaan in Mudanayaasha isbadalka ku sameyaan.
Wasiirka ayaa sheegay in lacagahan lagu daryeeli doono Ciidamda iyo Meelaha kale ee u baahan in wax looga qabto.
Xubnaha baarlamanka puntland ayaa si isku Mid ah uga soo wada horjeestay qorshahani Isla markaasina ku celiyay dhinaca Xukumada PuntlandMarka la eego hab qoraaleedka qorshaha Xukumada soo gudbisay Ayaa dhigaya in 2,000 sh.So Lagu daro qiimaha dawlada ku sarifato Lacagaha marka ay ka soo Gudbaan Kastamiska
Wasiirka Maaliyada ayaa ka huleelay markii ganafka lagu dhuftay qorshihiisii ku aadanayaa in loo meel mariyo lagacagaha lagu kordhinay sarrifashada taas oo aan laga garanayn halkay ku xeroon doonto
Maakhir Media Boosaaso
