|

Kulan ku saabsan xaalada abaaraha Ba’an ee ka tagan Geeska Africka oo Maanta ka dhacay Roma.

Roma-(MMedia)-Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo looga hadlayay  abaaraha wadamada Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb galeen  Hogaamiyaasha wadamada Warshadaha ku hormaray ee G-20-ga ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Qaramada midoobay ayaa sheegaty in ka badan 10 malyan oo Ruux inay abaaruhu saameeyeen ,wadamada ugu daran ee ay abaaruhu saameyen ay kamid tahay somaaliya iyadoo abaarta ugu darani ay ka jirto halkaasi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo ka hadlay kulanka looga hadlayo abaaraha Soomaaliya iyo wadamada geeska Afrika ayaa sheegay in Somaaliya maalin kasta ay ku dhintaan caruur iyo dad da’ah,  waxaana uu sidaasi daraadeed ugu baaqay Madaxda dowladaha ka qeyb galaya kulanka inay Somaaliya siiyaan lacag qiimaheedu uu dhan yahay 1,6-Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

wadanka faransiiska oo kamida wadamada G-20 ayaa isna ka hadlay isagoo uuu goob joog ka ahaa madaxwaynaha wadankaasi  isagoo sheegay in somaaliya ay ka mid tahay wadama ugu daran ee ay abaaruhu Aadka u sameyeen waxaana sidoo kale goobta ka hadlay  Raysal wasaaraha Engriiska  oo isna tilmaamay  in dadka ugu badan ay haysato abaaru kuwaasi oo kunool koonfurta somaaliya.

kulankan ayaa ah mid si wayn loogu lafa guray abaaraha ka jira geeska afrika  iyadoo ay QM ay ku dhawaaqday in kulan la qabto abaaraha ku saabsan kaasoi oo deg deg wax lagag qaban doono abaaraha ka jira wadamada Geeska iyadoo ay somaaliyana ka mid ahay.

Maakhir Media Roma.

Webmaster@maakhir.net


Comments are closed