Xil Ka Xayuubinta Xaglatoosiye Masoo Gabagabayn doontaa Hadafkii SSC
Boosaaso(MMedia) Waxa uu burbur ku imanayaa Ururkii SSC ee lagu dhidbay Magaalada Niarobo mudo hada laga joogo hal sano iyo dheeraad hadii aanu aqbalin xil ka qaadis lagu sameeyey Hogaamiye Xagla Toosiye. Ururka SSC oo loogu talagay inuu dagaal la galo Somalliland sidii uu uga kicin lahaa deegaamada ay ka taliyaan gaar ahaan deegaanada dhulbahante dego iyo inuu sameeyo Maamul ka madax banaan Somaliland iyo P/landba waxaana Hogaamiye loo doortay Saleebaan Axmed Ciise(Xagla Toosiye)
Hadaba Ururkan oo Dagaal iyo Abaabul lagaga soo horjeeda Somaliland ka abuuray gudaha iyo debadaba ayaa iminka u muuqday inuu bur bur qarka u saran yahay isagoon gaadhin hadafkii loo aas aasay waxaana sabab u ah khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ururka waxaana shalay lagaga dhawaaqay Tuulada Dharkayn geeyo in xilkii lagaga Xayuubiyay Hogaamiye Xaglatoosiye oo ka maqnaa fadhigii xilka lagaga qaaday waxaana lagu eedeeyay xil gudasho la,aan waxaaanay xil ka qaadistaasi u muuqataa mid aanu hogaamiyuhu raali ka ahayn
Waxa kale oo dhawaan Magaalada Widhwidh heshiis kula saxeexday Somaliland Saraakiil iyo Xubno uu hogaaminayay Gudoomiyaha Khusuusiga SSC Mr C/risaaq sarkaal u qaabilsanaa xaga Ciidamda Kornayl Kayse Cabdi Yuusuf kuwaasoo dhamaantood hada ku sugan Magaalada Hargaysa
Hadaynu yara jaleecno sababihii keenay Xilka qaadista Xaglatoosiye waxaynu odhan karnaa waa is afgarasho la,aan dhexmartay isaga iyo Ku xigeenkiisa Saleebaan Sabaray oo loo magacaabay Hogaamiyaha Ururka waxaanay Xilka qaadista Xaglatoosiye iyo caleemasaarka Sabaray u dhacday sida tan
Kulan deg dega oo ay isugug yimaadeen Qaar kamid ah golaha Khusuusiga SSC oo maanta shir jaraa’id ku qabtay degaanka Dharkayngeeyo..oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa waxay kaga warbixiyeen shirar maalmahan dambe ka socday degaanka dharkayn geeyo.
Mukhtaar Xirsi oo kamid ah xildhibaanada khusuusiga islamarkaana saxaafadda u qaabilsan ayaa wuxuu ka warbixinayaa xil qaadis lagu sameeyay hogaamiyihii Hogaanka SSC Saleeban Axmed Ciise (Xaglatoosiye) oo ay ku sheegeen inuu gudan waayay xilkii loo doortay, wuxuu sidoo kale sheegay in hogaamiye ku xigeenka SSC loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha Sare.
Col.Cali Sabarey oo hore u ahaa hogaamiye kuxigeenka SSC oo maanta qaar kamid ah xildhibaanadda khusuusiga sheegeen inuu yahay hogaamiyaha cusub ee SSC ayaa isagu sheegay inuu qaadi doono talaabooyin badan. isagoo canbaareeyey shirkii Khaatumo oo yidhi waxaa taladii la wareegay NSUM.
kala jabkan Hogaanka SSC ayaa imanaya xili uu socdo qaban qaabo shir mudo la waday in lagu qabto gudaha dalka, kaas oo daba socday shirkii khaatumo ee London ka dhacay oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanada Jaaliyaddaha SSC.
Hadaba hadii uu aqbali waayo xilka qaadistaas lagu sameeyay Xaglatoosiya waxay u horseedi doontaa Ururka SSC bur bur ku yimaada iyo inay kula biiraan Maamulada hareeraha ka xiga waxaanay so oaf jaraysaa hamigii iyo hadafkii Ururka loo aas aasay
Maakhir Media Boosaaso
