Xiisad u DhaxaysaDadka Deegaanka Shabeelaha Hoose iyo Alshabaab
Muqdisho(MMedia) Xiisado dagaal oo u dhaxeeya dad beeraleey ah oo gacan ka helaya Xoolo dhaqato iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay ka taagan yihiin deegaano hoostaga gobolka Shabellaha hoose.
Deegaanka Laanta buure ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa wararka ay Shabelle ka heleyso waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ka taagantahay xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya dad xoolo dhaqata ah oo kaashanaya beeraleey iyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Xog is qilaafsan oo kasoo baxaysa sababta ka dambeysa xiisadahaasi dagaal oo ay Shabelle heshay ayaa waxa ay sheegeysaa in xiisada ay ka dambeysay kadib markii beeraleyda iyo xoola dhaqatada ay ka biya diideen bixinta lacago canshuur ah oo ay kusoo rogeen Al Shabaab, halka warbixinada qaarna ay tibaaxayaan in xiisadu ay timid markii beeraleyda iyo xoola dhaqatada ay ka biya diideen wax ka qabashada falal amni daro oo ka taagan deegaankaasi.
Gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo labada dhinac ah ayaa waxaa la sheegayaa in lagu arkayo deegaanka ay xiisadu ka jirto ee Laanta buure taasi oo dadka deegaanka ay tilmaameen inay keeni karto dagaal halkaasi ka dhaca kaasi oo ay baqdin ka muujinayaan dadka deegaanka oo hadal haya xaalka sida uu noqon doono.
Dhinaca kale xiisad dagaal oo la mid ah mida hada ka jirta deegaanka Laanta buure ee Afgooye oo sidoo kale u dhaxeysa Beeraley garabsaneysa Xoolo dhaqato iyo Shabaab ayaa waxaa la tilmaamayaa inay ka taagantahay deegaanka Janaale ee magaalada Marka halkaasi oo lagu arkayo gaadiid dagaal iyo ciidamo labada dhinac ka kala tirsan.
Deegaanka Laanta Buure ee gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa maalmo ka hor ku dagaalamay dad xoolo dhaqato ah iyo ciidamo ka tirsan Al Shabaab kadib markii sida la sheegay labada dhinac ay isku fahmi waayeen wada hadal ku aadanaa wax ka qabashada amni daro laga soo sheegay deegaankaasi.
Maakhir Media Muqdisho
