Ceel biyood laga hirgeliyay xerada Badbaado
Muqdisho(MMedia) Ceel biyood lacag la’aan ah ayaa maanta laga hirgeliyay xerada barakacayaasha Badbaado ee degmada Dharkeeynleey G/banaadir.
Guddoomiyaha hey’adda Bani’aadam ing C/casiis Mayoow Maxamed oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ceelkani ay hirgelisay hey’addiisa isla markaana uu yahay lacag la’aan, ayna ugu talagaleen in ay ka dhaansadaan Barakacayaasha ku jira xerada Badbaado.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray in hey’addu ay ceelkani ugu tabarucday barakacayaasha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulka degmada Dharkeynleey iyo odayaasha deegaankuba ay ka codsadeen hey’adda in ceelkaasi ay qoddo.
Hey’addan oo ah mid maxalli ah ayaa deegaanno badan oo ka mid ah dalkeenna hore uga soo hirgelisay ceelal biyoodyo si ay dadka iyo duunyaduba uga waraabaan.
Maakhir Media Muqdisho
