Xarakada Alshabaab oo Qoorta u Dheeraysay Koox Jidgooyo Dhigatay
Muqdisho(MMedia) Saraakiisha Al-Shabaab ee degmada Buurhakaba ayaa qiray inay gorwaceen mid ka mid ah Kooxo jidgooyo dhigtay maalintii shalay, kadib markii ay ku baxeen Ciidamada Xisbada, isla markaana is rasaaseyn ay dhex martay.
Taliyaha Ciidamada Shabaab ee degmada Buurhakaba oo la yiraahdo Shiikh Cadar ayaa sheegay in howl gal shalay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee Gobolada Bay iyo Sh/Hoose ay ku soo qabteen nin ka mid ahaa maleeshiyooyin isbaaro u taalay wadadaas, isagoo tilmaamay in ruuxa ay soo qabtaan uu dhaawac ahaa, isla markaana ay gowraceen.
“Shalay markii nagula soo wargeliyay in wadadaas lagu dhacay Gaadiid Zuko ah, waxaa goobta aaday Ciidamada Xisbada, kooxihii burcada ahaa ayay is rasaaseeyeen, nin dhaawac ah ayay soo qabteen waana la gowracay”ayuu yiri Taliyaha oo tilmaamay in Burcad kasta oo jidka gala ay sidan u geli doonaan.
Waxaa uu sheegay in dadka ku safra wadadaas ay ku soo wargeliyaan tuugada jidka u galeysa, isagoo xusay inay la shaqeeyaan dadka deegaanka iyo kuwa socotada ah si looga hortaga kooxaha dadka dhibaateyneysa.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Labo ruux ay gowraceen lagu soo bandhigay degmada Afgooye, iyadoo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxo xoolo dhaqato ah oo ay isku rasaaseeyeen deegaanka laanta Buuro, oo jidgooyooyin ay dhigteen gaadiidka ku dhibaateynayay, waxaana iminka gacanta ugu jira ilaa saddex ruux oo mid ka mid ah uu
Maakhir Media Muqdisho
