Baarlamanka oo ansixiyay xukuumadii cusbayd
Muqdisho-(MMedia)-Waxaa maanta la horkeenay xukuumadii cusbayd iyadoo codka kalsoonida loo waydiinayo Baarlamnka DKMG ee Somaaliya kuwaasi oo uu dhawaan soo magacaabay raysal wasaaraha cusub ee somaaliya Abdi wali maxamed cali Gaas .
Xukuumadan cusub ee maanta la horkeenay baarlamanka somaaliya ayaa mudo la sugayay soo magacaabideeda taasi oo muran badan dhalisay kadibna lagu dhawaaqy oo uu soo magacaabay raysal wasaare Dr. cabdiwali Gaas .
Xildhibaanada oo maanta fadhiyey Golaha Umadda ayaa gaarayey 420 Xildhibaan, waxaana su’aalo kooban kadib loo qaadey codka kalssoonida, Xukuumadda ayaa taageerada XIldhibaanada heshay, waxaana HAA ugu codeeyey 397 Xildhibaan, halka 21 Xildhibaan ay ka soo horjeesteen laba kalena ay ka aamuseen.
codkan kalsoonda ah ee maanta la siiyay xildhibaanada baarlamanka somaaliya ayaa waxa uu sii socod siinayaa shaqada ama hawlihii dawalada ee mudooyinkan hakadka ku jiray ,iyadoo hadaba kalsoonida lasiiyay lana ansixiyay xukuumadan cusub ma noqon doontaa mid wax ka badasha xukuumadii hore mise waxay noqon doontaa kuwii hore ayaan danabanaal.
Maakhir Media Muqdisho.
