|

Saraakiil ka kala socotay Attam iyo Puntland oo heshiis gaaray Hordhaca.

AF Urur-(MMedia)-Masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland iyo odayaal dhaqameed uu soo dirsaday  shiikh  Attam ayaa maanta heshiis ku gaadhay deegaanka AF urur ee Ku yaala buura layda Galgala kaasi oo ay kaga wada hadalayeen sidii heshiis ay u wada gaahi lahaayeen iyagoo maantana ay isku soo afgarteen heshiis hordhaca oo gaaban.

Kulankaani ayaa waxa la sheegay inay soo qaban qaabiyeen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Gal-gala ee duleydka gobolka Barri halkaasi oo la rumeysanyahay in dagaalo culus ay ku dhexmareen ciidamada Attam iyo kuwa Maamulka Puntland, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in gaba gabada kulanka labada dhinac ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

ila wareed hoose oo aanu ka helay shirkaasi ayaa sheegaya in qodobada la isku raacay ay ka mid yihiin: in la joojiyo dagaalada u dhaxeeya labada dhinac ayna wada hadlaan,  in deegaanka Gal-gala laga saaro dadka aan u dhalan iyo qodobo kale.

Kulankani ayaa waxa uu daba socdaa kulamo maalmihii u dambeeyay labada dhinac ee Puntland iyo Saraakiisha ka socotay Sheekh Attam ku dhexmarayay Deegaanka Af Ururu ee Gobolka Bari,

Waxaa dagaal xoogle uu dhexmaray  ciidamada puntland iyo kuwa u hogaaminayo wadaadka lagu magacaabo shiikh maxamed siciid Attam kaasi oo ay ku tagalamayeen Buuralayda Galgala kadibna uu halkaasi ka dhacay khasaare aad u wayn  ,kadibna ay  ku heshiyeen maamulka puntland iyo odayaasha ka soo jeeda deegaanka Galgala inay nabadeeyn halkaasi ka bilbaan taasi oo maantana shir halkaasi lagu soo gaadhay kaasi oo noqon doona mid Hordhaca.

Maakhir Media Bosaso

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed