Wasiirada Haweenka Iyo Arimaha Qoyska oo Xoriyadeedii Dib u Heshay
Muqdisho(MMedia) Wasiirrada haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah ee Soomaaliya Caasho Cismaan Caqiil oo warbaahinta la hadashay iyadoo ku sugan degmada degmada Balcad ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegtay inaan xilka loo magacaabay lagala tashan.
Caasho Caqiil oo muddo saacado ah u xirnayd Khamiistii shalay maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab, ayaa markii lasoo daayay sheegtay iyadoo ku sugan gurigeeda inaan lagala tagshan magacaabiddeeda.
Inkastoo Caasho aysan sheegin inay iska casishay xilka loo magacaabay, haddana waxay sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay ku shaqeyso xil aan lagala tashan markii loo magacaabay.
Maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin xarigga ay u geysteen Caasho Cismaan Caqiil oo habeen hore loo wasiirka haweenka iyo arrimaah qoyska ee DKMG ah iyadoo ku sugan degmada Balcad oo ay Xarrakatul Shabaab ka taliso. Waxaana Caasho ay ahayd haweeneydii keliya ee ku jirtay golaha wasiirrada xukuumadda cusub.
Waxyaabaha aadka la isku weydiinayo ayaa waxaa ka mid ah sababta xil loogu magcaabay ruux aan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso, iyadoo DKMG ah aysan ka hadlin xariga loo geystay wasiirradan.
Haweeneydan ayaa waxaa ninkeedii muddo sannado ah ka hor laga afduubay duleedka Muqdisho xilli ay kusoo jeedeen Muqdisho, iyadoo illaa iyo hadda la la’yahay isaga iyo saddex qof oo ay wada-shaqeynayeen kuwaasoo ay haweeney ka mid ahayd.
Maakhir Media Muqdisho
