|

alshabaab oo Sheegtay In La Buun Buuniyay Abaaraha Soomaaliya Ka Dhacay

Muqdisho(MMedia) Afhayeenka Xarakada Al- Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qaabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha ay u fasaxeen inay ka howlgalaan deegaannada ay ka taliyaan aysan ku jirin kuwii ay horay howlaha uga joojiyeen.

Sheekh Cali Dheere oo shirkiisa jaraa’id qabtay shalay gabbal-dhicii ayaa sheegay in hay’adaha ay fasaxeen ay yihiin kuwa hadda ku sugan goobollada ay ka taliyaan, isagoo sheegay in cid walba oo isku dayda inay dadka dhibaateyso ay ka qaban doonaan.

“Hay’adaha aan horay uga mamnuucnay deegaannada aan ka talinno kuma jiraan kuwa loo fasaxay inay dadka gargaaraan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo intaa ku daray: “Hay’adihii howsha laga joojiyay waxaa ku jiray kuwo siyaasadeed iyo kuwo hagarddmo ku hayay shacabka, waana la gooyay hagar-daamadooda.

Afhayeenku wuxuu sheegay in qolo walba ama koox walba oo isku dayda inay shacabka dhibaato u geysato ama hagar-daameyso la qaban doono. Wuxuuna been uu ku tilmaamay baaqii Qarammada Midoobay ay ku sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto macluul.

“Warbixintii ugu dambgeysay ee Qarammada Midoobay ee ay ku sheegeen inay ka jirto Soomaaliya macluul iyo gaajo waa been la dhoodhoobay iyo borobogaando. Abaar iyo gaajo dalkan waa ka jirtaa balse ma gaarsiisana UN-ku u dhigeen, waana arrin la siyaasadeynayo oo ujeedooyin kale laga leeyahay lana doonayo in lagu barakiciyo shacabka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay sheegay ion xaaladda sida loo maleynayo ee loo buunbuuninayo ay aad uga wanaagsan tahay, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in in xogta ay Qarammada Midoobay daliishanayso aysan ahayn mid runta ku saleysan isagoo sheegay in Xarrakada Al-shabaab ay ka furtay kaamam dadka barakacayaasha ah lagu xanaaneeyo gobollada Bay iyo Shabeellada hoose.

Mar uu ka hadlay kaamamka laga furayo dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay yihiin kuwo la doonayo in shacabka Soomaaliyeed looga fidneeyo diintooda, markii la awoodi waayay in loogu tago gobollada ay ku nool yihiin, isagoo sheegay inay shacabku ka digtoonaadaan arrintaas.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay sheegtay in 12-milyan oo qof ay ku dhibaateysan yihiin gobolka Geeska Afrika oo dhan, isagoo isweydiiyay sababta diiradda loo saarayo 3.5-milyan oo qof oo la sheegay inay Sooamaliya ku dhibaateysan yihiin.

Hadalka kasoo baxay Xarrakada Al-shabaab ayaa wuxuu kala saaray aarin aad loogu wareersanaa oo ahayd kuwa ay yihiin hay’adaha loo ogolaaday ka howlgalaan gobollada ay Al-shabaab ka taliso.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed