Habeenka Maakhir University Iyo Minneapolis
Minneapolis(MMedia) Waxa maal mahan fooda inagu soo haya la qaban doonaa Xaflad Balaadhan oo loogu talagay Maakhir University kana dhacaysa halkii ay kasoo Unkatay fikirkeedu oo ah Minneapolis waxaana lagaga hadli doonaa qababkii ay soo martay Jaamacadu iyo weliba dhaqaale loogu Uruurinayo waxaana kasoo qayb galaya sida lagu wado Aqoonyahano isugu jira Soomaali Ajaaniba waxaanay ka warbixin doonaan Maakhir University Mustaqbalkeeda waxaanay ku ladhi doonaan Aqoonta iyo heerarkii ay soo martay
Hadaba Maakhir University waxay kasoo maxaatay maskax ay ku dheehan tahay Aqoon wadaniyeed waxa kale oo la oran karaa waa Haldoor hamigiisu yahay sidii loo heli lahaa Umad aqooni hagayso si looga baxo Jahliga iyo Fakhriga la deris noqday dhalaanka Afrika oo weliba ay usii dheer tahay Dagaalada Sokeeya kuwaasoo aan helin Jaanis ay wax ku bartaan
Waxtarka aadamahu waxa uu ka qiima badan yahay Magaca iyo Dhaqaalahaba waana ta ay ku horumareen wadamada reer galbeedku waxaana laga helayaa aqoon yahayn isu taagaya siduu u soo saari lahaa dad aqoon u leh hadba nooca bulshada looga baahan yahay inay buuxiyaan waxaanay taasi kentay in wadama reer galbeedka laga helo dad aqoon u leh dhamaan waxyaabaha aasaasiga bulshada u ah
Sida laga wada dharagsan yahay Magaalooyinka Badhan,Dhahar,Hadaaftimo,Xiingalool,Buraan iyo Yube waxa ka jira Dugsiyo Sare oo lagu qiyaasi karo ilaa 9 Dusgsi sare waxaana sanad walba ka soo baxa arday cadadkeedu dhan yahay ilaa 1000 arday oo u baahan inay sanad walba helaan Jaamacad ay kusii wataan waxbarashadoodii ay ay soo wateen ilaa 12 sanadood nasiib darase waxa la qiyaasay in arday ka 50 ka yar ay nasiib u helaan inay jaamacad helaan kuwaasoo gacan ka hela Eheladooda Qurbaha ku nool waxaana gidaarda ku noqda ilaa 950 arday oo awoodooda dhaqaale u saamixi wayday inay safraan Gobolada kale ee Soomaaliya ama Debadaba
Hadaba arinkaas waxa ka dhiidhiyay Aqoonyahan ka soo jeeda Maakhir ka dib markii ay heleen xogo ku saabsan in ay jirto baahi Jaamacadeed si looga hortago in aan ardaydii 12 sano waxbarashada kusoo jirtay aanay dib ugu noqon derbi fadhi waxaanay adoroseen inay dhidibada u taagaan Jaamacad Maakhir University iyagoo kaashanaya Jaaliyadaha debada iyo Aqoontoodaba ilaahayna waa ku garab galay waxaana lagaa hirgeliyay Magaalada Badhan oo ah Xarun ku haboon in laga sameeyo. madaama ay ku taal meel Xuduna una dhaxaysa dhamaan Degmooyinkaas aynu soo sheegnay waxaanay Aqoonyahankaasi isu taageen sidii ay u taaba gelin lahaayeen iyagoo isugu geeyay wixii tacab iyo taloba ay hayeen waxaanay u suura gasheen inay Dufacadii ugu horaysay dhamaysatay Simistarkii u horeeyay Sanadka aynu ku jiro waana markii ugu horaysa geyiga Soomaaliyeed laga helo arday Jaamacad ku dhigata lacag la,aan
Dhinaca kale marka laga eego Aqoonyahanka isu xilsaaray taaba geinta Jaamacda maaha kuwo ka muuqda shaashada Maamul ee Jaamacada waxaanay ku kooban yihiin oo keliya taakulaynta waxaanay jecel yihiin cid kastoo danaynaysa inay hogaamiso Jaamacada inay la shaqeeyaan dhamaan Aqoonyahankaana Taariikhda ayaa xusi doonta waana laf dhabarta Bulshada Reer Maakhir
sidoo kale qurbo jooga Maakhir oo iyaguna hiil iyo hooba la garabtaagnaa ayaa iyagu laftoodu aad ugu riyaaqay arintan horumarka iyo yididiilaada leh ee ay sameeyeen Aqoonyahanka reer Maakhir, ilaa iyo hadana muu istaagin dadaalka ay reer Maakhir ugu jiraan sidii ay dadlkooda u horumarin lahaayeen si ay waxkasta oo ay ubaahdaan uga helaan, walaw aanay wali suurto galin in ardayda jaamacadu helaan adeeg dhamaystiran oo u sahli karta inay helaan Macluumaad ku saabsan Maadooyinka ay baranayaan sida Laababka oo kale waxaanayka sugayaan cid alaale iyo cidii ka caawin karta
hadaba ma tahay aqoonyahan Reer maakhira ma tahay shakhsi Maskax u saxiiba ma tahay mid maal u saaxiiba fadla soo abaar goobta ay ka dhacayso Xafladan oo ah mid maskax iyo maalba laysugu gayn laha sidii loo horumarin lahaa Jaamacadan curdinka ay oo durba kaafisay arday tiro badan oo aan haysan meel ay waxbarashadooda kusii wataan waxaana lagaaga baahan yahay wax ala waxaad ka gaysan karo inaad la timaado waxaanay u furan tahay qof kastoow ax kusoo kordhin kara waana la soo dhawaynayaa.
(Qalinkaa Wax Suureeya Kugu Sima Halkaad Doonto Saaxiib Kal Furan weeye)
Maakhir Media Minneapolis
