|

Madaxa Hay’adda USAID oo booqday Xerada Qoxootiga Dhadhaab, kuna dhawaaqay gargaar

Kenya(MMedia) Madaxa Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa  Arbacadii, 20ka Luulyo, magaalada Nayroobi kaga dhawaaqay dadaalka hay’adda iyo guud ahaan dowladda Mareykanku ugu jiraan in ay wax ka qabtaan abaarta baahsan ee saameysay Geeska Afrika.

Dr. Raj Shah oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Nayroobi kaddib markii uu ka soo noqday safar hal maalin ah oo uu ku tagay xerada Dhadhaab iyo tuulooyin hoos taga degmada Wajeer, ayaa sheegay in gargaarka ay dowladda Mareykanka ka geysaneyso abaarta ka taagan Geeska Afrika uu gaarayo illaa 400 milyan oo doolarka mareykanka ah, iyadoo isla maanta Dowladda Mareykanku ku dhawaaqday 28 milyan oo doolar oo hor leh oo loogu talo galay in wax loogu qabto dadka ay abaartu saameysay ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo qoxootiga dhowaan dalka ka barakacay.

Xaalad murugo leh

Dr. Shah oo warbaahinta kula hadlayay xarunta dadka lagu qaabilo ee xerada Ifo, waxa  uu sheegay in sababaha abaarta keentay ay ugu muhiimsan yihiin iyadoo kooxda Al-Shabaab oo ka xannibtay gargaarkii gobollada ay maamulaan gaari jiray iyo hannaan dowladeed oo wax-ku-ool ah oo aan dalka ka jirin. Dr. Raj wuxuu intaasi ku daray in Kooxda Al-Shabaab ay ka taliso labada gobol ee macluusha ugu ba’an ay ka jirto ee kala ah Bakool iyo Shabeellada Hoose.

“Carruurta aan maanta soo arkay waqti badan ayay ku qaadaneysaa inay ka soo kabtaan wixii ay soo mareen,” ayuu yiri Dr. Shah oo ka hadlayay xaaladda carruurta uu ku soo arkay xerada Dhadhaab. “Dadku halkan (Dhadhaab) maysan iman lahayn haddii hay’adaha gargaarka loo oggolaan lahaa in ay markii hore deegaannadooda gargaar ugu geeyaan.” Madaxu wuxuu xarunta dadka lagu qaabilo ee Ifo kula kulmay dadkii ugu dambeeyay ee soo gaara xerada 24kii saac ee la soo dhaafay, isagoo ka wareystay xaaladda goobihii ay ka soo barakaceen iyo wixii ay jidka kula soo kulmeen. Wuxuu kaloo socod ku soo maray daafaha xeryaha Ifo iyo Dhagaxley, gaar ahaan goobaha ay dageen dadka dhowaan soo gaaray xeryahaas.

Madaxa USAID oo ay safarkiisa ku wehliyeen Safiirka Mareykanka ee Nayroobi, Scott Gration, iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha wada-shaqeynta la leh USAID iyo qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sidoo kale soo kormeeray isbitaalka xerada Ifo, halkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay carruur iyo hooyooyin nafaqo-darro la il-daran, oo qaarkood ay ku socdeen faleebbooyin.

Al-Shabaab

Mar uu ka hadlayay sida gargaarka lagu gaarsiin karo deegaannada ay ka taliso Kooxda Al-Shabaab, Madaxa Hay’adda USAID, Dr. Raj Shah, wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay tijaabiso sida kooxda Al-Shabaab ay uga dhabeyso ballanqaadkii ay warbaahinta ka sheegeen ee ahaa in ay hay’adaha gargaarka u fasixi doonto inay u soo gurmadaan dadka baahan. “Waxaan rajeyneynaa in Al-Shabaab ay xushmeyn doonaan ballanqaadkooda xilligan xasaasiga ah.”

Dr. Shah oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha iyo cuntada ah, wuxuu dhinaca kale sheegay in hay’adda USAID ay waqtiga dhow kala shaqeyneyso hay’adaha ay gacan-saarka la leedahay sidii abaartan deg deg wax looga qaban lahaa, iyadoo mustaqbalka fogna qorshuhu yahay in sare loo qaado isku-filnaanshaha cunto ee dalalka soo koraya, iyadoo ay taasi qeyb ka tahay mashruucda “Feed the Future” (Quudi Mustaqbalka) ee uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Mareykanka Baraak Obaama, mashruucaas oo loogu yaboohay 22 bilyan oo doolar. Dalalka ugu badan ee mashruucan ka faa’ideysanayana waa kuwa saxaraha ka hooseeya.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda USAID wuxuu soo kormeeray mashaariic hay’ad lagu magacaabo WASDA ay ka waddo tuulooyin hoos taga degmada Wajeer, oo ay ka mid ahaayeen howlo biyo-dhaamin ah iyo taageerada dadka xoolo-dhaqatada ah.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed