Hogaamiyaha Maxamed Siciid Atam iyo Maamulka Puntland oo shir uga furmaya deegaanka Af-Urur
Afurur(MMedia) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in ay halkaasi maanta uga furmeen shir ay isugu imanayaan qaar kamid ah maamulka Puntland iyo qaar kamid ah masuuliyiinta sarsare ee kooxda Sh. Atam.
Arintan ayaa waxay imanaysaa kadib markii uu madaxweyne Faroole uu saxaafada u sheegey in kooxda Atam ay heshiis la galayaan isla markaana ay diyaar u yihiin inay cafis u fidiyaan isagoo ugu baaqey kooxdan in ay dib ugu soo noqdaan shacabkooda reer Puntland. Hadalka Faroole ayaa ka duwanaa hadaladiisii hore isagoo sheegi jirey in ay kooxdaasi yihiin argagixiso ka timid koonfurta Soomaaliya iyo dalalka Carabta, haatana ku sheegey in ay yihiin dad u dhashey deegaanada Puntland.
Wada hadalkan ayaa wuxuu ka furmayaa maanta magaalada Af-Urur oo xigta Laamiga isla markaana ay gacanta ku hayaan kooxda Sheekh Atam, halkaasoo ay gogol u fidinayaan qaar kamid ah maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiiro iyo taliyaha ciidamada Darwiishta Puntland ee Siciid Dheere.
Galabnimadii Shalay ayaa waxaa magaalada Dhahar ka ambabaxay Gudoomiyaha kooxda Maxamed Siciid Ata moo lagu magacaabo C/raxmaan Qadaafi. SIdoo kale waxaa shirkaasi ka soo qeyb gali doona Kaarshe Cismaan oo u qaabilsan dagaal galinta ciidanka ka dagaalama galbeedka Bari, sidoo kale waxaa shirkaasi kasoo qeyb gali doona Yaasiin Kilwe oo ah gudoomiye kuxigeenka ciidanka galbeedka Bari.
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galgala oo ah halka u ah saldhiga ugu weyn Sh. Atam ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan hadalo hordhac ah oo ay ku xireen maamulka Puntland hadii uu wada hadal dhacayo. Waxaana ka mid ah qodobo dhowr ah oo lasoo gaarsiiyey idaacada SPR oo ay kamid yihiin:
- In wadada Galbeed Bari in ay maamulka PL ay furaan taasoo aada ilaa iyo Laasqoray.
- In dadka beeralayda ah loo furo ganacsigooda iyo suuq geynta Boosaaso.
- In xabad joojin la sameeyo isla markaana dadkii barakacayaasha ahaa dib u dejin loo sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa ah mid aan la shaacin isla markaana aan loo ogolaan saxaafada ayaa waxaa la rajaynayaa in uu si wanaagsan ku dhamaado.
Xigasho:SPR
