|

Ciidanka Booliska oo qabtay 3 Nin Oo Hargeysa ka furtay xafiis laga bixiyo Baasaboorka Soomaaliya

 Hargaysa(MMedia) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Xalay daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigeen sadex nin oo si qarsoodi ah magaalada Hargeysa uga furtay xafiis lagu bixiyo baasaboorka dawlada taagta daran ee Soomaaliya.

Waxa kale oo Ciidanka Booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen dhammaan qalabkii xafiiskaasi lagaga hawl galayay oo ay ka mid ahaayeen Kombuyuutar, kamarad iyo diiwaan lagu sajalayay dadka ay siinayeen baasaboorka Dawlada Soomaaliya.

“Waxaanu idiin sheegaynaa in Hawl gal ay ciidanka Booliska Somaliland ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay gacanta ku soo dhigeen sadex nin oo magaalada Hargeysa ka furay xafiis sharci darro ah oo ay si qarsoodi ah ugu bixin jireen baasaboorka Soomaaliya,”ayuu yidhi Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Md. C/Raxmaan Liibaan Axmed oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da magaalada Hargeysa.

Taliye Ku Xigeenku waxa uu soo bandhigay tirade qalabka ay ku soo qabteen nimankaasi “Qalabka aanu gacanta ku dhignay waxa ka mid ahaa 1 Computer, 1 Camera iyo lugaheedii, 1 Finger Printer, 1 Signature, 1 File oo ay ku jiraan 4 Application (Codsi) oo baasaaboro codsanayay, 4 Somali republic passport ah, 4 ID Card, iyo 1 diiwaan oo dadka lagu qoro,”ayuu tilmaamay Taliye Ku Xigeenku, waxaanu intaasi ku daray in Guriga lagu soo qabtayna ay leeyihiin dad muwaadiniin ah, hase yeeshee kama uu hadal inay wax tallaabo ah ka qaadeen iyo in kale.

Taliye Ku xigeenku waxa uu beeniyay warar ay qorayeen qaar ka mid ah warbaahinta dalku kuwaasi oo sheegayay in masuuliyiin ka tirsan dawladdu ay ogolaansho siiyeen sadexdan nin waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanay haba yaraatee aanu jirin cid dawlada ah oo u ogolaatay xafiiskan qalabkan iyo Baasaboorada in halkan lagu sameeyo. waxaananu shacabka u sheegaynaa in wararka Wargeysyadu qoreen aanay sal iyo raad toona lahayn.Hargeysana Baasaboorkeena oo kaliya ayaa lagu bixiyaa, in kuwo laga bixiyaana waa xaaraan.”

Mr. C/Raxmaan Fooxle ma uu magacaabin magacyada sadexdan nin, hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay ayaa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay inuu ku jiro Sh. Almis Xaaji Yaxye oo ka mid ah culimada iyo aqoon yahanada waaweyn ee dalka.
Waxa sadexdan ninba ay xiligan ku xidhan yihiin Xarunta Ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed