|

Wasiirka Amniga P/land oo Xilkiisa Loo Dhaariyay

Garoowe(MMedia) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo.

Xafladda dhaarta ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland oo kamid yahay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo hadalkooban ka jeediyey xafladda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay ku hawlan tahay sidii ay amaanka u sugi lahaayeen, waxaana uu shacabka Puntland ka codsadey in ay arintaas kala shaqeeyaan. Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay Col.Khaliif Ciise Mudan in uu hawshaas ka soo bixi karo.

Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo isaguna goobta ka hadley ayaa sheegay in uu dedaal u geli doono sidii loo sugi lahaa amaniga Puntland, maagaalooyin iyo xuduudba. Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka codsadey qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan, haddii aysan taasi dhicin waxba lagama qaban karo arrimaha amaanka ayuu yiri

Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa maalintii shalay wareegto uu soo saarey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Faroole ugu magacaabey xilka Wasiirka Amniga Puntland

Madaxwayne kuxigeenka dowlada Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa ugu baaqay kooxaha uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam ee ka dagaalama buuralayda Galgala ee gobolka Bari inay ka faa’iidaystaan cafiskii dhowaan uu jeediyay madaxwaynaha Puntland ee kusaabsanaa inay soo dhoweynayaan cidkasta oo nabad qaadanaysa oo qayb ka ah kooxaha ciidamada Puntland kula dagaalama buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Wuxuu intaasi ku daray in loo bahan yahay in dhalinyaradaasi ay hubka dhigaan oo ay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka deegaanada Puntland.

Hadalkan ayaa madaxwayne ku xiugeenka Puntland uu ka sheegay isagoo ka hadlayay munasabad maanta lagu dhaarinayay wasiirka cusub ee amniga Puntland,taasi oo ka dhacday magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Dhanka kale madaxwayne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in hawl culus ay sugayaan umada reer Puntland oo ay qayb ka tahay:

1-Xuska munasada 13aad ee assaaska Puntland
2-Shirwayne la isugu keenayo Somalida oo la filayo in uu ka dhaco Garoowe iyo arimo kale.

Wuxuu ugu baaqay dadwayanaha reer Puntland inay dowlada kala shaqeeyaan amaanka guud ee deegaanada Puntland,waxaana uu xusay in nabad galyada Puntland aysan dowladu ka gali doonin gorgortan islamarkaasina ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda inay khalkal galiso amaanka deegaanada Puntland.

Ugu dambayntii wuxuu ugu baaqay kooxaha somaliyeed ee ku hawlan falalka Burcadbadeednimada ah in ay ka waantoobaan falalkaasi.

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed