Madaxweyne Shariif oo Booqday Degmada Madiina iyo Xerada Barakacayaasha Badbaado+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu booqsho ku tagay xerada qaxootiga ee Badbaado iyo xaafado ka tirsan caasimadda magaalada Muqdisho.
Xeradda cusub ee Badbaado ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha gudiga abaaraha, halkaasoo ay ku wareejiyeen adeeg deg-deg ahaa oo ay ubaahnayeen dadka kasoo barakacay abaaraha iyo Al-Shabaab/Al-Qaacida.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa kadib waxaa uu halkaas kula hadlay uguna duceeyay barakacayaasha Soomaaliyeed, una sheegay in laga bixi doono dhibka insha, Allah.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu tagay goob caafimaad oo ka furan Xerada Badbaado ee lagu daaweeyo dadka dhibaatada heysa iyo caruurta nafaqada darada ah, waxaana uu sheegay in wax badan iska badaleen xaaladihii hore, isagoo uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyed sida ay ugu kaceen gurmadka dadka abaaraha ka soo barakacay.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu uga mahad celiyay qaar ka mid ah Hey’adaha sama falka oo codsigooda ka soo jawaabay, waxaana halkaas uu ku gudoonsiiyay deeq ka timid Gudiga gurmadka abaaraha oo isugu jirtay Darimo iyo alaabo kale loogu tala galay barakacayaasha.
Madaxweynaha ayaa waxaa kale uu booqday xaafada Madiina iyo gooba ganacsi, halkaas oo ay isugu soo baxeen shacab aad u fara-badan oo usacbinayay Madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqayay”Madaxweyne soo Dhawoow”.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa mid-mid u gacanqaaday shacabkii faraha badnaay oo halkaas isugu soo baxay si ay ugu soo dhaweeyaan Madaxweynaha.
Maakhir Media Muqdisho
