Faroole oo Golahiisa Wasiirada Isku Shaandheeyay
Garoowe(MMedia) Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa u magacaabey Wasiirka Amniga Hub kadhigista iyo Dhaqan celinta, Col.Khaliif Ciise Mudan, Sidoo kale wareegtada ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha ayaa wasiirkii hore ee Wasaaradsdaas gen.Yusuf Axmed Kheyr loo magacaabey Wasiiru Dawlaha dhanka Sharciga ee Madaxtooyada.
Wasiirka cusub ee Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa Dawladdii hore ee Soomaaliya ka tirsanaa ciidanka Cirka, isaga oo gaarey derajada Korneyl, muyddooyinkii u danbeeyey waxa uu ahaa ganacsade caan ka ah deegaanada Puntland isaga oo galaangal fiican u lahaa arrimaha siyaasadda ee Puntland iyo Soomaaliyaba.
Wasiirkii hore ee Amniga ee hadda loo badalay wasiiru dawlaha Sharciga ayaa muddooyinkii la soo dhaafey ku sugnaa dalka Ingiriiiska halkaas oo degnanaansho ku lahaa, Booska cusub ee loo magacaabey Yusuf Axmed Kheyr ayaa ah mid cusub waxaana ay kor u sii qaadeysaa tirada Golaha Wasiirada ee Puntland kuwaas oo hadda gaaraya 50 waasiir, wasiiru dawle iyo ku xigeeno.
Wareegtada ka soo baxdey Madaxweynaha Puntland ayaa lagu xusey in Madaxweynuhu markii uu arkey dastuurka Puntland iyo sida baahi loogu qabo in wax laga qabto arrimaha amaanka, isla markaana uu qiimeeyey kartida iyo awoodda wasiirka isla markaana uu la tashiyo sameeyey uu arrintan ku talaabsadey
Maakhir Media Garoowe
