|

Maamulaha Guud ee shirkada Red Sea oo Sheegay Inay Xidhiidh La Sameeyeen Budhcad Badeedii Aftuubtay Markabkooda

Hargaysa(MMedia)  Maamulaha Guud ee shirkada Red Sea Petrolium Barkhad Axmed Yaasiin ayaa ka hadlay markab shidaal u siday shirkadooda oo ay jimcihii todobaadkii hore kooxo budh-cadbaddeed Soomaali ah ka afduubeen xeebaha wadanka Yemen.
Maamulaha Guud ee shirkada Red Sea Petrolium Barkhad Axmed oo maanta saxaafadda ugu waramayay xafiiskiisa magaalada Hargaysa ayaa sheegay in markabkan oo ay Soomali leedahay ay budh-cad baddeedu ka afduubeen isaga oo maraya meel u dhaw dekada Mukkala ee dalka Yemen,kaasi oo shidaal isugu jiray Naafto iyo Baatrool u siday shirkada Red Sea Petrolium.

“Maalintii jimcihii ayaa markab shidaal noo siday oo la yidhaahdo MV Jubba markabkaasi oo uu leeyahay nin Somali ah oo aanu ka soo kiraysanay,ayaa markuu marayo Dekadda Mukkala agteeda waxaa qabsatay budh-cad baddeedii,markab kaasi wuxuu noo siday saddex kun iyo shan boqol oo metriton oo isugu jiray Baadrool iyo Naafto ,”ayuu yidhi maamulaha shirkada Red Sea Petrolium.
Maamuluhu wuxuu sheegay in Sabtidii 3: 00 galabnimo ay budh-cadbadeedu la soo xidhiidheen una sheegeen in ay gacanta ku hayaan markabkaasi,isaga oo xusay in markii ay la xidhiidheen nimanka budh-cad baddeeda ah ay u sheegeen in aanay wax wada hadal ah la gelaynin ilaa inta ay gaadhayaan maamulkooda waxaanu yidhi “Sabtidii saddexdii galabnimo ayay nagu soo war geliyeen budh-acbaddeedu in ay gacanta ku hayaan markabkaasi sagaal nina ay fuushan yihiin,markaa waxay imika markabkii ula sii jeedaan dhinaca badda Soomaaliya,markii aanu la xidhiidhnay waxay nagu yidhaahdeen ma wada hadlayno ilaa inta aanu gaadhayno maamulkayaga iyo meesha aanu ku wadno.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “Wada hadalo badan ayaanu samaynay oo waxaanu la xidhiidhnay oday dhaqameedkoodii kolay Soomaalidu meel ma kala tegayso,wada hadalkuna weli wuu socdaa,welina anagu ma hayno meel ay ku socdaan laakiin marka ay meel joogsadaan ayaanu wada hadlayanaa.”
Barkhad Axmed Yaasiin waxaa uu rejo wanagsan ka muujiyay suurto galnimada in ay markabkaasi sii daayaan kooxaha budh-cad baddeeda ahi.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed