Sarkaalad Ka Tirsanayd Sirdoonka Somaliland oo Goor Dhawayd Lagu Diley Magaalada Laascaanood
Laascaanood(MMedia) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanooda ayaa sheegayaa in goordhawayd lagu lagu diley sarkaalad ka tirsanayd ciidamada sirdoonka Somaliland ee ka shaqa gala Magaalo Madaxda Laascaanood ee Gobolka Sool.
Marwadan ayan la garanayn cid geystay falka lagu diley,waxana dabley hubaysani rasaas Indhaha kaga qaadeen wakhti ay ku sugnayd Koonfurta Magaalada laascaanood.
Haweenaydan ayaa waxa ay xabadu kaga dhacday madaxa iyo laabta, waxana loo la soo cararay Cusbitaalka Guud ee Maagalada Laascaanod halaasi oo ay ku geeryootay.
Cabaar ka dib markii uu dhacay dilkan qorshaysan ayaa waxa soo buux dhaafiyay goobtii uu ka dhacay dilkani, Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanooda waxyna ay xidheen jidadka gala goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana waxa ay bilaabeen baadhitaano lagu doon doonayo cidii ka dambaysa dilka sarkaaladan,balse waxan ilaa waqtigan la ogayn isla mar kaana la sheegin cid loo hayo oo loo xidhay dilkan .
Maakhir Media Garoowe
