Bangiga dhexe oo lacag ugu deeqay Barakacayaasha
Muqdisho(MMedia) Kulan ay maanta Isugu yimaadeen Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in Bangiga dhexe uu ka qeyb qaato dadaallada loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen iyadoo Bangigu uu ugu deeqay dadkaasi Barakaca ah gargaar dhan 5000 (shan Kun oo Doolarka Marykanka ah.
Shirka ay isugu yemaadeen mas’uuliyiinta maamulka Bangiga oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Bangiga C/llaahi Jaamac ayaa looga dooday sidii Bangigu uu uga qeyb qaadan lahaa dadaallada socda ee loogu gurmanayo dadka Barakacayaasha ah.
Guddoomiyaha Bangiga ayaa ku dhawaaqay in Bangigu uu ugu deeqay dadka tabaaleysan lacag gaareeysa 5000 $, taas oo lagu darayo xisaabta socota ee Acounka loo sameeyay Barakacayaasha ah.
Hadalkan ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Bangiga dhexe ee dalka ayaa Muujineeysa sida aan loogu kala harin gurmadka loo sameeynayo dadka Barakacayaasha ah oo ay saameynta ku yeelatay abaarta dalka ka taagan.
Maakhir Media Muqdisho
