|

Shirgudoonka Guurtida Oo Madaxweyne Siilaanyo U GudbiyayDacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Khaarajiga

Hargaysa(MMedia) Shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay Madaxweyne Axmed Silaanyo u gudbiyeen qoraal

dacwad lid ku ah wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed C/llaahi Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu saddex jeer oo ay ka dalbadeen inuu golaha hor yimaado uu ka baaqsaday, sidaa darteedna ay ilo wareedyadu sheegeen in dacwadaasi ay shirgudoonku ku lifaaqeen qoraaladii ay kaga dalbadeen inuu hor yimaado.

Ma jiro faahfaahin ay kaga bixiyeen shirgudoonka iyo madaxtooyada, midkoodna, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey in ku simaha gudoomiyaha golaha guurtida, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre uu qoraal ku socodsiiyay Madaxweynaha ugu gudbiyay dacwad la xidhiidha Wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/llaahi Cumar, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu hor iman waayay golahooda, oo muddo saddex jeer ah ka dalbaday inuu hor yimaado, taas oo la sheegay in shirgudoonku ay madaxweynaha ugu cadeeyeen in golaha guurtida waajibaadkiisii distooriga ahaa ay laf jab ku tahay in wasiiradu ay fulin waayaan dalabyada ay ugu yeedhayaan, kana dalbadeen inuu madaxweynuhu jawaab kasoo bixiyo waxyaalaha sababay in wasiirka arrimaha dibadu dhagaha ka furaysto dalabkoodaasi.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inaanu ilaa hada shirgudoonka guurtida aanu wax jawaaba ka soo siinin qoraalkaa ay u gudbiyeen todobaadkii hore.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka kowaas Sheekh Axmed Sheekh Nuux, oo Saxaafadu kula xidhiidhay khadka Telephone-ka si  wax looga waydiiyo warqadaasi uu u qoray madaxweynaha, ayaa isagu naga qaban waayay Mobile-ka.

Sidoo kale Wasiirka arimaha Dibada ayaa socdaal aan ujeedadiisa xukuumaddu daboolka ka qaadin ku jooga caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed