|

Dhakhaatiirta Soomaaliya Ugu Caansan oo Ka Qayb Qaadanaya Gurmadka abaaraha

Muqdisho(MMedia) Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ugu caansan Soomaaliya ayaa maanta gurmad Caafimaad oo tabarucaad ah u fidiyay dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay Abaaraha ka jira dalka islamrkaana ku sugan xerada badbaado ee degmada Dharkebnley.

Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ka kala socday xarumaha Banaadir Hosbital, Dufle Specilist Clinic , iyo aradayda Jaamacadad Banaadir ayaa maanta si wada jir ah gurmad caafimaad ugu fidiyay dadka Soomaaliyeed oo ay dowladda Soomaaliya dib u dajin ugu sameeysay xero weyn oo ku taalla degmada Dharkeenley ee Gobolkam Banaadir.

Prof, Cusmaan Maxamuud Dufkle oo hoggaaminayay dhaqaatirtaasi ayaa Saxaafadda kula hadlay goobta ay daryeelka caafimaad ka sameeyeen, isagoo tilmamaay in caruurta iyo dadka waayeelka ah ay cuduradda inta badan laga helay ay ka mid yihiin Mallaariyada, nafaqo darri iyo cudurro kale waxa uuna xusay in Daawooyin ay ugu talogaleen u qeybiyeen markii ay baareen kadib.

Prof Dufle ayaa ka dalbaday hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dhinaca Caafimaadka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi maadaama ay xaaladoodu aad looga deyrinayo.

Sidoo  kale Drs Luul Maxamed Maxamuud oo iyadan ka socotay Cisbitaalka Banaadir ayaa u sheegtay weriyeyaasha inay caruur badan oo nafaqo darri hayso loo gudbiyay xarunta Cisbitaalka Banaadir maadaama aysan jirin goob la seexin karo caruunta nafaqa darada hayso.

Qaar ka mid ah dadkii loo sameeyay daryeellka caafimaada ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay inay si aad ah ugu faraxsanyihiin daryeelka loo sameeyay islamrkaana ay uga mahadcelinayaan dhaqaatiirta isxilqaantay.

Waa dhaqaatiirtii ugu horeysay ee si iskood ah ugu gurmada dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira dalka islamarkaan ay dib u dajinta u sameysay Dowladda.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed