Boqor Buur Madaw oo Xadhiga Ka Badbaaday Ka Dib Markii uu Jabuuti u Weecday
Hargaysa(MMedia) Xukuumadda Somaliland oo maanta Ciidamo iyo Tikniko culus oo ay doonaysay inay ku soo qabato Boqor Buurmadow
oo la sheegay inuu berbera ka soo degayo ayaa ku guul daraysatay arrintaasi kadib markii ay ka waayeen Diyaaradihii maanta ka soo degay madaarkaas oo ka soo duulay dalka Imaaraadka.
Sida ay waaheen u xaqiijiyeen dad ku sugnaa madaarka Berbera waxa Boqorka Heegaan ugu ahaa madaaraka berbera si ay u qabtaan Ciidamo tikniko watay oo uu Hargeysa ka sii kaxaystay Wasiirka Duulista Hawadu Maxamud Xaashi Cabdi oo ay boqorka isku beel yihiin.
Ilaa hada lama garanayo Boqor Buurmadow meel uu ku sugan yahay inuu joogo Imaaraadkii iyo inuu meel kale u duulay hase yeeshee sida Qorshaha Xukuumadda ka muuqatay waxa jiray warar ay ka heleen oo u sheegay inuu maanta soo degayay.
Lama garanayo talaabadan ay Xukuumaddu qaaday ee ay ku doonaysay inay bqorka ku soo qabato waxa xiligan keenay hase yeeshee waxa loo maalayanayaa oo kaliya inay ka daba joogto waraysiyaadii uu siiyay warbaahinta intii uu dibeda ku sugnaa kuwaas oo uu ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inay ka taliayaan kooxo xidhiidh la leh Al-shabaab.
Sidoo kalae waxa uu waraysiyadaa Boqorku Madaxweynaha ku Eedeeyay inuu Caafimaadkiisu Liito oo aanu gudaan karin xilka loo doortay sida uu Dastuurku dhigayana aya tahay in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.
Inkasta oo aanay cadayn Wasiirka iyo Ciidamaaddu inay siteen Amar qabasho ah oo sharci ah hadana sida ay sheegayaan ilo xogogaal ahi waxa ay siteen Waaran qabasho aah oo ay ku lifaaqnaayeen Eedaha loo haysto oo ay ka mid yihiin inuu khal khal galinayo dalka, Aflagaado Madaxweyne oo uu Caafimadaakiisa wax kaga sheegay iyo inuu Xukuumadda ku tilmaamay inay ku jiraan xubno Argagixiso ahi, kuwaasoo ay dhamaantoodba u cuskadeen qoddobo ad-adag oo aay ku doonayeen inay ku Maxkamadeeyaan.
Maakhir Media Hargaysa
