|

Magaalada Burco oo Laga Mamnuucay Tooreyda Ka Dib Markii Ay Dad Badan Galaafatay

 Burco(MMedia) Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega cadde) ayaa markii u horraysay ka hadlay dilalka oo beryahan dambe ku soo badanayay Magaalada Burco kuwaasi oo loo adeegsanayay Toorriyo.

Taliyuhu waxa kale oo uu shalay sheegay inay ku hawlan yihiin sidii magaalada looga suulin lahaa maandooriyeyaasha.

Taliyaha oo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayay waxaa uu yidhi “ Waxaa imika soo baxday dhacdooyin badan oo sababay dilal iyo dhaawacyo culus oo ay sababtay hubka gacanta lagu qaato ama dhinaca ee loo yaqaano Toorayda, taas oo dhaqan u ah dadka ku dhaqan gobolka Tog-dheer iyo Deegaanadiisa in ay Tooray qaataan,taasina waxay keentay dhimasho iyo dhaawac,waxaa uu Booliska gobolku soo saaray dagaal lala galay sidii dadka looga dhigi lahaa toorayda dadkii danbiyadaa galay ee toorayda wax ku dilay ama wax ku dhaawacay ma jiro mid Booliska gacantiisa ka baxay dhamaantoodba gacanta ayaa lagu hayaa.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “Suuqayada magaalada Burco waxaa ku soo badanaya ama ka soconaya falalka xatooyada ah waxaa la weerarayaa meheradaha,waxaa magaalada Burco ku badnaa sidashada qoryaha sharci darada ah,waxaa Boolisku ka suuliyay in qof aan ciidanka Booliska ahayn ama aan ciidanka Qaranka ahayn oo qori sita aan lagu arki karin magaalada Burco gudeheeda” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde).

Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde) waxaa kale oo uu sheegay in ciidamda madaniga ah ee sida gaarka ah uga shaqaysan jiray ilaalinta meheradaha ay iyagana ka madnuuceen in aanay magaalda gudeheeda qori ku qaadan karin habeenkii “ciidanka madaniga ah ee meheradaha habeenkii ilaaliya ee iyagu sida gaarka ah u shaqaysta oo markii hore isticmaali jiray qoryaha oo ay Booliska khatar badani kaga iman jirtay kuwaasina waxaanu ka madnuucnay in aanay magaalda ku qaadan karin habeenkii qori ama Tooray iyaga oo suuqa ku jira” ayuu yidhi Taliye dhega Cadde.

Taliyaha oo ka hadlayay tirada dadka lagu dilay toorayda muddooyinkii ugu danbeeyay magaalda Burco waxaa uu yidhi “ Afar qof ayaa muddooyinkii u danbeeyay lagu dilay Toorayda, afartaa fal saddexdii gacan ku dhiigle ee gaystay Booliska ayaa gacanta ku haya iyada oo ay qabashadooda ka caawiyeen dadka shacabka ahi,shantii bishii todobaad waxaa lagu dilay magaalada Burco guddeheeda labadii habeenimo Marxuum la odhan jiray Maxamed C/laahi Xasan arinta dilka marxuumkaasina waxaa hada u xidhan todoba eedayse oo ay weli baadhisi ku socoto” ayuu yidhi Taliey Dhega Cadde.

Taliye dhega cadde oo ka hadlayay sibabta ay Boolisku wax uga qaban kari waayeen maandooriyaha Khamriga oo ku soo badanaya magaalada Burco waxaa uu yidhi “ Sidaad ogtihiinba gobolka Tog-dheer xuduud balaadhan ayuu la leeyahay dhinaca dalka Itoobiya, waxaana soo gala wadooyin badan oo aan lahayn wax Kaantarool ah,khamrigaasi ma soo maro Istabyada ay Boolisku joogaan marka uu magaalada guddeheeda soo galo khamrigaasi dad badan ayaa ka qayb qaata qarintiisa,waxaanu ku talo jirnaa in aanu ka suulino inta aan la gaadhin bisha Barkasyan ee Ramadaan magaalada Burco khamriga”.

Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde) Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer ayaa ugu baaq u diray Cuqaasha,Salaadiinta,Ganacsatada,Culimawdiinka,Ardayda Jaamacadaha iyo dhamaanba dadwaynaha kale ee ku nool Gobolka Tog-dheer in ay Ciidamda Booliska gacan ka siiyaan sidii magaalada Burco looga suulin lahaa maandooriyaha Khamriga waxaanu yidhi “Waxaan maanta warbaahinta kaga faa’iidaysanayaa wax garadka Gobolka Tot-dheer,Cuqaasha,Salaadiinta,Ganacsatada,Culimawdiinka,Ardayda Jaamacadaha iyo dhamaanba dadwaynaha kale ee ku nool Goblka Tog-dheer ee daneeya nabadgeliyada in ay Ciidamda Booliska ka gacan siiyaan sidii loo suulin lahaa ama loo qaban lahaa caadaysteyaasha ku caanbaxay Khamriga ee ku iibiya magaalda Burco”

Maakhir Media Burco

Comments are closed