|

Afhayeenka Isimada P/land U Jawaabay Hogaamiyaha Beelaha Hawiye

Boosaaso(MMedia) Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa sheegay in shirka wadatashiga ee ka dhici doono dalka Somaliya inay ku haboontahay in lagu qabto Puntland,waxaana uu siweyn uga soo horjeestay hadal kasoo yeeray mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beeleha Muqdisho oo kusaabsan in shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo lasoo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay in maamulka Puntland uu in mudo ah ku rajo waynaa in shirwayne Soomaliyeed uu martigaliyo,waxaana uu sheegay in taasi ay noqonayso mid Puntland la isaga gudbi karo dhamaan dalka Soomaaliya si loo helo nabad galyo.

Mar uu ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray hogaanka dhaqanka ee beelaha Muqdisho Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid siweyn looga xumaado.
Soomaliya waxaa ka jira ee fikirka qabyaaladeed,waxaa danteeda ugu jiri lahayd inay ku waayo aragto faa’idada iyo khasaaraha ay kadhaxashay“ayuu yiri garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo intaasi raaciyay in nabadgalyada iyo martigalinta shirka inay ku haboontahay deegaanda Puntland.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa ugu dambeyntii shaagay in uu ugu baaqayo xubnaha qabanqaabinaya shirka inay ku qabtaan deegaanada Puntland,waxaana uu sheegay inuu ugu yeerayo cidkasta oo wanaag Somaliyeed wada inay ka qaybgasho shirka hadii lagu qabto Puntland.

Si kastaba,shirka wadatashiga ee la sheegay in lagu qabanayo dalka Soomaliya ayaa u muuqda inuu galay xarig jiid kadib markii Dowlada KMGS,Puntland iy Galmudug ay siyaabo kale duwan ay uga hadleen goobta uu ka dhacayo shirka,xilli guidaga QM ee loo xilsaaray inay ka baaraan dagaan goobta lagu qabanayo shirka aysan shaacin goobta lagu qaban doono shirwaynaha dalka.

Horseednet

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed