Hogaamiyaha Beesha Hawiye oo Ku Hanjabay Inaan Meel aan Ahayn Muqdisho Shirka Lagu Qaban Karin
Muqdisho(MMedia) Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka qoomamayn doonto hadii shirka wada tashiga ah lagu qabto meel aan ahayn Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka digay in shirka wada tashiga ah ee Soomaaliya oo ay soo qab qaabisay Qaramada Midoobay lagu qabto meel aan ahayn Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku baaqay in shirkaasi lagu qabto halka ay dowladda KMG ah gacanta ku hayso ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay inaysan jirini meel ugu wanaagsan shirkaasi Mudisho, isagoo shaaca ka qaaday in hadii shirkaasi lagu qabto meel oo ka baxsan Muqdisho uu ku dhamaan doono mid fashil ah islamarkaana aan laga gaari doonin ujeedadii loo qab qaabiyay.
Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa waxaa uu sheegay in hadii Qaramada Midoobay ay iska dhaga tirt baaqa Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ay iyagana go’aan ka qaadan doonaan baaqyada Qaramada Midoobay, wuxuuna mar kale ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole oo waraysi siiyay BBC-da uu sheegay in shirka wada tashiga ah ee Soomaaliya lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Maamulkaasi oo uu sheegay inay tahay meel nabadoon.
Radio Shabelle
Maakhir Media Muqdisho
