|

Budhcad Badeed Doonka Baxday Boosaaso Qafaalatay

Boosaaso(MMedia) Wararka Goor dhoweyd la Helay ayaa sheegaya In Kooxaha Burcad badeeda Somalida ay gacanta Ku Dhigeen Dooni ka Baxday Dakkada Magalada Boosaso Isla Markaasina Siday Xoolo Farabada.

inkasta oo wali Aanay Soo bixin Wax Faah Faahin ah oo ku saabsan Afduubka doontan hadana Warar Hoose RBC Radio Heshay ayaa sheegaya in ay ku Baxeen Ciidamada badda Puntland Oo Howlgal balaaran U galay Sidii ay U Soo furan lahaayen.

Wararka ayaa sheegaya in Doontani Ay Xoolo U Badan Ari Ka Qaaday Boosaso isla Markaasina u Raran tahay ganacsato Reer Puntland ah, Waxaan ay Ku Sii Jeeday Dalka Emaraatka Carabta.

Masuuliyiin Ka Tirsan Puntland oo Xirir Kala Duwan Aan La Sameynay Ayaa ka Gaabsaday in Arintani ka Hadlaan Balse waxaa la Dhowrayaan Saacadaha Soo Socda In ay ka Hadlaan.

Maaha Markii Ugu Horeysay Oo koox Burcad Badeed ah Ay Afduubtaan Doonyo iyo Maraakiib u Raran ganacsatada Puntland Waxaana Horey Puntland gacanta ugu Soo Dhigtay Markaab Ganacsi Oo Laga Afduubtay Xeebaha Puntland.

Maakhir Media Bosaaso

Comments are closed