Maamulka Gobolka Hargaysa Oo 70 Qoys Oo Danyar Ah Xoog Kaga Raray Kaamboolka Xarunta Badhasaabka Gobolka Iyo Dad Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Rasaas Boolisku Rideen
Hargaysa(MMedia) Maamulka gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta qoysas lagu qiyaasay 70, xoog kaga raray kaamboolka xarunta maamulka gobolka Hargeysa, kuwaas oo intii dalka lagu noqday halkaasi ay ugu dhisnaayeen guryo ka samaysan baco iyo jiingad.
Maamulka Gobolka Maroodi Jeex oo kaashanaya ciidamadda booliska oo uu horkacayay taliye Maxamed Saqadhi Dubad iyo cagafyadda waawayn ee loo yaqaano Baldowsarta, ayaa dadkaasi xoog kaga raray goobtaasi.
Dadkan ayaa loo raray meel magaaladda ka baxsan oo buuraha dhinaca Koonfur galbeed ee Hargeysa ah, halkaas oo aan loogu diyaarin haba-yaraatee waxyaabaha aasaaska u ah nolosha aadamaha sida biyaha iyo musqulaha, inkasta oo badhasaabka gobolka Hargeysa uu ku dooday in deegaanka dadka loo raray meel adeegyadii aasaasiga ay ka jiraan “Meesha loo rarayaa waa meel ay ka jiraan iskuuladii iyo waxyaabihii kale ee ay baahnaayeen, biyihiina laba barkadood ayay dawlada hoose u samaysay.” Ayuu yidhi Mr Xamarji oo warbaahinta la hadlay.
Goobtan dadka laga raray oo ayaa shakhsiga diida buulkiisa yar cagaftu dul-maraysay iyadda markaana la xidhayey qofkii guriga lahaa ee amar diidada sameeyay, iyadda oo dadka goobtaa laga raray ay qaarkood dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ciidamadu ku fureen dhalinyaro isku dayey inay hor-joogsadaan gaadiidka lagu rarayey.
Intii ay socotay rarista qoysaskan danyarta ahi ayaa waxa meesha joogay ciidamo badan oo kuwa SPU-da ah, kuwaas oo u jawaabayey cid kasta oo samaysay dhaqdhaqaaq ka dhan hawsha rarista danyarta oo qaarkood shalay Madaxtooyadda geeyay qoraal cabasho ah oo shabakadda wararka ee Ramaas shalay baahisay.
Maamulka Gobolka Maroodi-jeex oo uu ugu horeeyo guddoomiye Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), ayaa sheegay in sababta wakhtigan dadka loo rarayaa ay tahay dhulka oo ay u baahan tahay dawladu inay ka hirgaliso dhismayaal dhowr ah oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha arimaha dibada iyo arimaha gudaha.
Talaabaddan Somaliland kaga rartay dadka kaamboolka xarunta maamulka gobolka Maroodi-jeex ayaa noqonaysa talaabadii labaad ee inta xukuumadda cusubi jirtay, iyadda oo hore taliska boolisku uu dadka dan-yar ah u raray Magaaladda dibadeeda.
Maakhir Media Hargaysa
