Ciidamda P/land oo Qarax Lagula Eegtay Toga Sugure
Boosaaso(MMedia) Laba asakri oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa geeriyootay, 3 kalena way dhawacmeen kaddib markii koox hubeysan ay qarax miino iyo rasaas la eegteen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnayeen ciidamadaasi oo marayay tuulada Togga Sugure oo u dhow deegaanka Galgala.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in iska hor imaad waqti gaaban socday uu dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxda hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada wadaadka Maxamed Sheekh Atam.
Togga Sugure ayaa ka mid ah fariismaha waaweyn ee ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaannada u dhow Galgala si ay ula dagaallamaan koox diimeedka uu hogaamiyo Maxamed Atam, oo dhowr jeer oo horay ay deegaankaasi ku dagaallameen.
Ilaa iyo hada ma jiraan wax faafaahin ah oo labada dhinac ka soo baxay, kaas oo ay kaga war bixinayaanQaraxaas
Maakhir Media Boosaaso
