Maakhir University ayaa Loo Rabaa In Hanuunta Lagu Wareejiyo Suldaankuna Wax Shaqo ah Kuma Laha(Warbixin)
Badhan(MMedia) Muran aan sidaas usii waynayn ayaa ka dhex aloosan Gudomiyaha Waxbarashada Magaalada Badhan iyo Odayaasha deegaanka kaas oo ku saabsan dhisme dhawaan dibu habayn lagu sameeyay oo ku yaal Magaalada Badhan Ex Hanuuntii
Dhismahan waxa qalabayn iyo dib habaynba ku samaysay Hayda Unices waxayna ku wareejisay Isuduwaha Waxbarashada Gobolksa Sanaag Mr C/qani Cali Moon Gudoomiyuhna waxa uu ku wareejiyay Gudoomiyaha waxbarashada Badhan waxaana loogu talagay siday ka dhawaajisay Gudoomisada waxbarashadu in dhismaha loo isticmaali doono waxbarasahda dadban gaar ahaan Haweenka
Hadaba waxa jira fikir kaa ka duwan oo ay qabaan Aqoonyahanka iyo Odayaasha deegaanku oo lagu doonayo in Dhismaha si kumeel gaara loo siiyo Jaamaca Maakhir University ee Magaalada Badhan oo iminka ku jirta guri ay lee yihiin Ururka Haweenka Alnasar oo inta badan caawiyaha baahiyaha aasaasiga ee Goboalda Sanaag iyo Haylaan waan dhisme aad ugu yar Jaamacada marka loo eego Dufcadii labaad oo iminka Bilaabi doonta Waxbarashada Jaamacada
Marka la eego Caqliga saliimka ah waxa uu ku tusinayaa in dhismahina ku haboon yahay in lagu wareejiyo Jaamacada oo la filayo inay kusoo biiraan Arday aad u tira badan oo soo dhamaystay Dugsiyada Sare ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan doonayana inay waxbarashadooda heer Jaamacadeed sii wataan waana ta keentay in loo adoroso meel qaadi karta xadiga ardaydaasi le,egtay waxaanay noqotay Ex Hanuuntii Badhameed
Gudidadn isugu Jirta Guurti iyo Aqoonyahan waa kuwo ay dhibayso in ardaydii dhamaysatay Dugsiyada Sare meel cidla ah kusoo dhacaan hadii ay boosas ka wayaan Jaamacada Maakhir waxanay isu xilqaameen sidii ay ugu helilahaayeen Jaamacada Boos ka wayn kan ay hada ku jirto oo aan qaadayn arday badan waxay sameeyeen tashiyo iyo rayi urursi mudo socday waxaanay isla garteen inay ku haboon tahay dhismaha Hanuuntu in Jaamacada si kumeel gaara u isticmaasho oo ah meel qaadi karta ardayda iyo hadii loo baahdo Laababka Jaamacada waana dhisime ku haboon in Jaamacada la siiyo madaama loogu talagalay in wax lagu barto
Inkastoo ay jiraan dad kasoo horjeeda in Hanuunta lagu wareejiyo Jaamacada iyo inay hanaqaado jaamacadu waxay cudurdaar ka dhiganayaan in golahii deegaanka shaqadoodii loo gacan dhaafayo oo uu weliba Suldaanku Awood u adeegsaday Xarumihii bulsahda wax loogu qaban lahaa waan war aad u raqiisa oo ay mala awaalayaan koox diidan inay hana qaado jaamacadu ama ubadka dhamaysta Dugsiayda sare ay gidaarada Badhan dib ugu noqdaan si ay u seegaan waxbarashadooda iyagoo ka horumarinaya danahooda gaarka ah.
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan marnaba muu soo faragelin howlaha golaha deegaanka iyo arimaha Bulshada marka laga reebo in wax laga waydiiyo oo uu taladiisa ka dhiibto mooyee inta badan waxa uu adeega bulshada u daaya cida ay khusayso manaha in Madaxdhaqameed warbaahinta lagu dhaleeceeyo iyadoon wax cadayma ah loo hayn iyo meel uu ka yiri toona.
Guurti iyo aqoonyahan isugu jira dadka deegaanka Badhameed oo lasoo xidhiidhay Xafiiska MMedia ee Magaalada Badhameed ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta MMedia inaanu Suldaanku wax shaqo ah ku lahayn in Hanuunta l asiiyo Jaamacada howshuna ku eeg taya dad iskood isu xilqaamay markay arkeen baahida loo qabo iyo in isbays wayn loo helo Jaamacada ayaanu isla garanayn in la siiyo Hanuunta madaama ay tahay meel loogu talagay in looga Faa,iideeyo dadka deegaan.waxa kale oo ay ku dareen inaanay udoonayn Hanuunta in cid gaara looga Faaiideeyo laakiin aanu rabno in jaamacadu uga Faaiidayso ardayda tirade badan ee kasoo baxaday Gobolada Sanaag iyo Haylaan
Maakhir University waxa aasaasay Qurba jooga Reer North Ameica ee reer Maakhir maskax ahaan iyo dhaqaale ahaanba ilaa iminkana gacanta ugu wayn iyaga iska leh marka laga reebo Ururka Alnasar iyo Jaaliyda Uk oo wax aan sidaa buurnayn ka gaystay waana Jaamacada u baahan gudo iyo debad in laysla kaashado sidii looga mira dhalin lahaa
Waxa dhawaan lagu qaban doonaa Magaalada Minniapales shir lagaa hadli doono sidii loo horumarin lahaa Maakhir University oo ay sooq aban qaabiyeen Gudidada taakulayn Jaamacada ee North America waxaana layskula soo qaadi lahaa sidii gacan waafiya looga gaysan lahaa hanqaadka Jaamacada
Maakhir Media Boosaaso
