Roobab Khasaaro Gaystay oo Ka Da,ay Magaalada Muqdisho
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada islamarkaana saamayn ku yeeshay dadka danta yar iyo isku socodka gadiidka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.
Xili saacadihii lasoo dhaafay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ay ka da’ayeen roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa roobabkaasi waxa ay biyo dhigeen wadooyinka magaalada oo ay isticmaalaan gadiidka Bl-ka ah waxaana taasi ay keentay inay gadiidka isticmaalaan wadooyin qarda jeex ah.
Sara ukac ayaa waxaa laga dareemayaa qiimaha lagu raaco gadiidka BL-ka oo ay dadka ku raacayaan lacag ku dhaw 10-kun oo shilin Soomaali ah halka markii hore ay ku raacayeen ilaa 5-kun oo shilin Soomaali ah taasi oo ay sababeynayaan Wadayaasha gadiidka Roobabka da’aya iyo qiimo kororka ku yimd shidaalka.
Marka laga soo tago saamaynta isku socodka gadiidka ay ku yeesheen roobabka ayaa hadana waxa ay saamayn ku yeesheen qoysaska danta yar ee ku dhibaataysan magaalada Muqdisho kuwaasi oo abaaro uga soo barakacay gobolada dalka, waxaana mid ka mid ah qoysaska ku dhibaataysan magaalada Muqdisho ay u sheegtay Idaacadda Shabelle in aysan haysan wax hooy ah oo ay roobka ka galaan.
Roobabkani inkastoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ee magaalada Muqdisho hadana waxaa jira saamayn ay ku yeesheen dadka danta yar oo u baahan roobka, hase ahaatee aan haysan wax hooy ah oo ay ka galaan roobabka.
