R/wasaaraha Ingiriiska oo Dalbaday In Baadhis dheeri ah Lagu sameeyo Wargayskii La Xidhay ee News Of the world
Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ku dhawaaqay in baadhitaan balaadhan lagu sameeyo guud ahaan warbaahinta Dalkaasi, taas oo ay sababtay Warar dalkaasi aad ugu soo badanaya baryahan damb e oo sheegaya in Warbaahinta Dalka Ingiriiska qaarkood dhagaystaan wada sheekaysiga Masuuliyiinta Dalkaasi iyo dadka caanka ah eek u dhaqan Dalka Ingiriiska.
Wargeyska News of the World oo loo xidhay arintan daraadeed ayuu Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron sheegay iyada oo baadhitaan lagu wada Wargeyskan haddana loo baahan yahay in baadhitan dheraad ah lagu sameeyo Warbaahinta dalkaasi.
Dhageysi la sheegay qaar ka tirsan warbaahinta Dalka Ingiriisku dhagaystaan Masuuliyiinta dalkaasi hadaladooda dhinaca Taleefoonada ayaa keentay shaki weyn in laga muujiyo oo ay wer wer badan ku abuurto Masuuliyiinta dalkaasi, waxaana Warbaahintan lagu eedeeyay inay dhagaystaan hadalada Masuuliyiinta ee dhinaca Taleefanka ayaa la sheegay inay lacag siin jireen dad arimahan ku shaqo leh si ay uga raadiyaan warar xiiso leh, waxaana Todobaadkan loo xidhay Wargeyska la yidhaahdo News of The World, iyada oo lagu dabo jiro dad badan oo arintan lagu eedeeyay inay ku shaqo lahaayeen.
Maakhir Media London
