|

Ciidamo ka tirsan DKMG iyo dad rayid ah oo boobay agab gar-gaar

Muqdisho(MMedai) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa waxaa ay boobeen baqaar uu ku keydsanaa gar-gaar ay laheyd Hay’ada UNICEF.  

Abaaro saacadda markii ay aheyed 2:30-daqiiqado ee galabnimo ah ayaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah waxaa ay boob u gaysteen baqaar uu ku keydsanaa gar-gaar ay la heyd Hay’adda UNICEF kaasi oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho. 

Baqaarka la boobay oo ku yaalla deegaanka Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku keedsanaa Raashiin, bacoha roobka laga galo iyo Maro-Kaneecooyin, waxanaa boobka uu bilowday kadib markii sida dadka deegaanka ay Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle ay u sheegeen in Ciidamo ka tirsan dowladda ay boobka bilaabeen kadibna dad weyne farabadan oo danyar ah ay ku xoomeen baqaarkaasi. Halkan riix warkoo dhan iyo Sawiroba

Shabelle.net

Comments are closed