Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Laba Beelood Mag U kala Qaaday
Adhicadeeye(MMedia) Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye, ayaa ka qeyb galay xaflad balaadhan oo ay mag ku kala gudoomayeen Beelaha Xasan Ugaas (Dhulbahante) iyo Fiqishini ayaa shalay lagu qabtay magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool.Beelahani waxay ka heshiiyeen dilka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Gobolka Sool Marxuum- Cabdi Ciise oo ay dileen beesha Fiqishini.
Beesha Fiqishini ee gobolka Sool waxay beesha Xasan Ugaas ee wada degaan ku wareejiyeen mag dhan 100 halaad oo geel dhogor ah iyo 100 halaad oo kaash iyo laba hablood oo godob reeb ah.
Badhasaabka gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye, oo hadal dheer ka jeediyay xafladan nabadeed waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida labadan beelood ay u dhamaysteen wixii dhex yaalay, waxaanu beelaha kale gobolka Sool wada dega u soo jeediyay in cidii wax dhex maraanba ay si nabadgelyo iyo wada hadal ah ku dhamaystaan wixii dhib ah ee soo kala gaadha.
Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay cuqaasha iyo waxgaradka labadan beelood ee gacanta ka geystay in la soo afjaro oo heshiis nabadeed laga gaadho dilkii Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta gobolka Sool.
Labadan beelood ayaa maanta kala qaatay mag dhan laba boqol oo halaad boqolna tahay Dhogor boqolna Kaash iyo laba gabdhood,oo ahaa heshiis hore loogu kala dhexdhexaadiyay labad beelood kadib markii beelkamid ah aydil ugaysaysatay Alle hawnaxiirstee Taliyihii Hore ee asluubta gobolka sool Cabdi Ciise.
Caaqil Xasan Ismaaciil oo ku hadlayay magaca beesha Fiqishini ayaa sheegay inay ku faraxsan yahay kuna bogaadinayo beesha Xasan Ugaas sida nabad gelyada leh ee ay u dhamaysteen dhibtii kala gaadhay.
Geesta kalena Caaqil Cabdilaahi Caynab Faarax oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inay go’aankan ay magta ku qaateen u yeeleen sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada deegaamada gobolka Sool iyo nabad ku wada noolaansha ummadda degan deegaamadda Gobolka Sool.
Kulankan waxa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta booliska gobolka Sool
Cali Ismaaciil Faarax iyo waxgarad kale oo ka socday beelaha kale ee gobolka Sool.
Maakhir Media Laascaanood
