|

Deegaanka Dheg-tuure oo Xaaladiisu degan Tahay

Mudug(MMedia) Kadib dagaal qarar oo labo maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray deegaannka Dhagtuur ee goballka Mudug ayaa wararka saakay halkaa lagu hellayo waxaa ay sheegayaan in xaaladu u muuqato mid degan, mana jiro wax dagaal ah oo saakay lagu soo sheegayo goobihii maalintii shalay leysku fara saaray.

Hasse ahaatee wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in xaaladu tahay mid aan leysku wada haleyn karin, waayo wali waxaa jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo waliba isku hub urursi labada dhinac ah, waxaana wali is horfadhiya oo aan kala tagin maleeshiyadii beelaha dirirtu dhaxmartay.

Dagaallkii dhacay maalintii shalay oo ahaa mid culus sida laga soo xigtay dadka deegaannka ayaa inta la og-yahay dadka ku dhintay waxaa ay kor u sii dhaafayaan 6 ruux halka halka tiro intaa ka badanna ay ku dhawacmeen dagaallka labada dhinac.

Dagaallka maalintii shalay ka dhacay deegaannka Dhagtuur ayaa ku soo beegmay xili uu jiro dadaal iyo abaabul dhinacyo badan ka socda oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada labada beelood, waxaana ka mid ah xubnaha u tagay goballka Mudug in ay soo afjaraan colaada qaar ka mid ah guddiga dib u hishiisiinta qaranka.

Beelaha ku dagaallamay deegaannka Dhagtuur ayeey colaada u dhaxeysa tahay mid soo noq noqotay, waxaana dagaallo Todobaadyadii aynu soo dhaafnay dhaxmaray labada dhinac lagu waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan 40 ruux.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed