|

Gargaarkii ugu Horaysay oo La Gaarsiiyay Magaalada Baydhabo

Baydhabo(MMedia) Diyaaradii u horeysay oo gar gaar aadanimo siday ayaa maanta caga dhigatay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, xilli Qaramada Midoobey ay ka deyrisay xaalada bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, kadib abaaro xoog leh oo ku dhuftay Gobolada dalka.

Sida ay sheegayaan wararka Diyaaradan ayaa siday gar gaar isugu jira, daawooyin, raashinka nafaqada ee caruurta nafaqa darida heysata la siiyo iyo kaalmooyin kale, kaasoo u rarnaa Hey’addaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF.

Diyaarada ayaa xilliga ay ka daganeysay Magaalada Baydhabo la sheegay in ammaanka aad loo adkeeyay, iyadoo lagu diyaariyay garoonka dad ka sii daabuli lahaa shixnada ay diyaaradu siday.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ku sugnaa garoonka marka ay soo dageysay Diyaarada, iyadoo ay la socdeen Saraakiisha imaanshaha Diyaarada siday gar gaarka aadanimo.

Diyaarada ayaa markii dambey si nabad ah uga dhooftay garoonka markii ay dajisay shixnadii gar gaarka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay fasaxeen Hey’adaha sama falka, waxaana tani ay bilow u tahay gar gaarka sama falka ee Hey’adaha Caalamiga ay doonayaan inay gaarsiiyaan Gobolada ay maamulaan Shabaab

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed