|

Dadkii Ay Saameeyeen Abaaruhu oo Muqdisho Dib U Dejin Loogu Sameeyay+Sawir

Muqdisho(MMedia) Kumanaankun barakacayaal ah oo ku sugnaa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa dibudejin loogu sameeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkenley,kuwaasoo ka soo cararay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka.

Dadkan gaaraya Kumanaanka ayaa waxaa lagu soo daabulayay Gawaarida xamuulka qaada, iyadoo soo daabulidooda ay gacan ka geysteen Masuuliyiinta Dalladda ururada Bulshada rayidka ee Ex-Banaadir iyo gabadhaha Hey’ada Wada hadalka Bulshada CCD, kuwaasoo xil iska saaray ka qeyb qaadaha daabulidda dadkaasi ku dhibaateysnaa degmada Xamarweyne iyo sidii loogu sameyn lahaa dibudejin iyo hoy ay ka galaan roobabka iyo qorraxda.

Xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulashada Rayidka ah ee Deegaanada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayna ka mid ahaayeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed oo ay ugu horeysay Ku simaha Gudoomiyaha Canab Xasan Cilmi, Gudoomiyaha Haweeenka Hey’adda wadahadalka Bulshada CCD Sharo Maxamuud Amiin, Xoghayahy Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Aadan Cosoble iyo Xubno kale kuwaasoo gacan ka geystay Daabulida, isku ururinta iyo dibudejinta
goobaha cusub ee dadkaasi maanta la dejinayay ee ku yaalada deegaanka Xoosh> ee degamada Dharkenley.

Deegaanka Xoosh oo maanta dib loo dejiyay kumanaaka Barkacayaasha ah ayaa waxaa todbaadkii dhawaa u asteeyay gudigga Gurmadka Qaranka ee abaaraha ee uu dhawaanmagacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxmed Cali ayaa waxaa ku wareejiyay deegaankaasi maamulka degmada Dharkenley si halkaasi loo dejiyo dadka abaaraha ka soo cararaya ee ku soo quluqulaya magaalada Muqdisho si loogu helo gurmad mideysan iyo deegaan ay ku noolaadaan.

Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada Rayidka Muxudiin Xasan Afrax ayaa ugu horeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta inay gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, isagoo tilmaamay maanta inay ka hadal rabin dhibaatada dalka ka jirta, hase yeeshee waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ficil la sameeyo.

“Maanta ka hadal ma rabto abaarta dalka ka jirta iyo baaxadeeda oo waad u jeediin dadkaan dhibaatada heysata, marka waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamka inay dadkaan gurmad u fidiyaan” ayuu yiri Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada rayidka Ex-Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo ku sugnaa goobaha loo diyaariyay dadka abaarta ka soo barakacay ee soo gaaraya magaalada Muqdisho.

Dhanka kale gudoomiyaha Dalladda Ururada bulshada Rayidka ayaa ka digay inay dhici karto in ay halkaasi ka dilaacan cuduro, isagoo ka codsaday Hey’adaha caafimaadka inay u sameeyaan dadkaasi barakacayaasha ah waxyaabaha aasaaska u ah nolasha aadanaha sida Biyo Nadiif ah, Goobo caafimaad, Musqulo iyo daryeel dhinaca nadaafada ah.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed