Shimbiraale oo Laga Hirgelinayo Saldhig Milatari
Shimbiraale(MMedia) Waxa ka jira Magaalada Shimbiraale oo ka tirsan Gobolka Sanaag qorshe saldhig Melateri looga hirgelinayo ka dib markii dhawaan ay soo degeen Cutubyo ka tirsan Somaliland kuwaasoo degay meel Magaalada u jirta ilaa 3Km
Ciidaman oo u hogaaminayoTaliyaha aaga Bari ee Somaliland Kornayl Muuse Jaamac Deelaaf ayaa qorshahoodu yahay inay Saldhig Melateri ka sameeyaan Magalaada Shimbiraale Saldhigaas oo noqon doona ka ugu way ee ka jira Gobolka Sanaag waxaanu hada Taliyuhu Socdaal ku marayaa Magaalooyin ka tirsan gobolka Sanaag Iyo Haylaan
Maray Maakhir Media la xidhiidhay siday u arkaan dadka deegaanku Saldhigan laga samaynayo Magaalada ayay aad usoo dhaweeyeen qorshahan la wado waxaana daba socda ayay yiraahdeen Ciidamo laga qorayo deegaanka oo yeelan doona awooda saldhigaas kuwaasoo laga yaabo in dhawaan la qoro
Maxamed xasan oo ka mida odayaasha deegaanka ayaa Maakhir Media wax ka waydiisay sida uu u arko Ciidamdan soo dega Magaalada iyo hadaladii kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta P/land waxaanu ku jawaabay inuu P/land idaacadaha uun ka maqlo weligiisna arag wax p/land ka socda hadalka wasiirka wax kazoo qaad malaha adeer dadkani Maamul ayay u baahan yihiin cidii ay u arkaan inay wado wax dantoodana cid uma daba fadhiisanayaan sababto ah 20sano ayaanu ku jirnaa Maamul la,aan markaa Somaliland Maamul u samayn iyo dhismayaal ay kwada deegaanka maxaanu ku diidaynaa markaa
Dhinaca kale Magaalada ayaa ganacsigeedu hada aad u sara kacay waxaana ka jira dhaqdhaqaaq xaga wax kala iibsiga ah waxa kale oo la dareemayaa inay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyooyin lagu wado in Ciidamo laga dhigay kuwaasoo aad ugu soo qul qulaya Magaalada
Taliyaha ayaa maruu la hadlayay dadka deegaanka u sheegay hadii aanay doonayn ciidamada in laga qaadayo madaama ay iyagu yihiin cida masuuliyada Magaalada iska leh waxa kaloo Magaaalada ka socda dhismayaal xaga waxbarashada iyo caafimaadka ah oo ay wado Somaliland
Hadaba dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaan waraysiyo Maqal iyo Muqaalba leh oo aanu kazoo qaadayno Ciidmada soo degay Shimbiraale iyo dadka deegaankaba
Maakhir Media Shimbiraale
