Gudoomiyihii Jaamacada Hargaysa oo Maanta Lagu aasay Isla Magaladaas
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qeyb galay aaskii Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Jaamacada Hargeysa Marxuum-Muuse Cabdi Cilmi oo shalay si heer sare ah loogu aasay xabaalaha daloodho ee magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo Isniintii ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Hargeysa iyo Berbera.
Aaska Marxuumka waxa ka qeyb galay Wasiirro, masuuliyiinta xisbiyada qaranka, baqolaal qof dadweynaha Hargeysa iyo ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiweynaha reer Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdi Cilmi, waxaanu qoyskiisii u diray dhambaal tacsi ah oo u qornaa sedan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Shacbiga Reer Somaliland, iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare oo uu Madaxweyuhu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa PROF. MUUSE CABDI CILMI SAMATER oo ku geeriyooday Shil baabuur Maanta (11/07/2011).
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Dhamaanna Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Shacbiga Reer Somaliland, iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare-na uu samir iyo iimaan ka siiyo MARXUUMKA.”
ILAAHAY u naxariistee Marxuum- Muuse Cabdi Cilm I waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1946-kii waxaanu dugsigiisii Hoose ku soo qaatay iskuulka biyo dhacay ee magaalada Hargeysa waxaanu dugsigiisii dhexe ka galay dugsiga dhexe ee Axmed Guray ee magaalada Hargeysa.
Marxuum- Muuse Cabdi Cilmi waxa uu dugsigii sare ku qaatay dugsigii Cammuud ee magaalada Boorame waxaanu aqoontii jaamacada ku soo qaatay magaalada Muqdisho
Marxuumku waxa uu dawladii u horaysay ee Somaliland ka noqday Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha Gudaha.
Maakhir Media Hargaysa
