Faroole oo Loo Ansaxiyay Xubnihii Kursiga Kusii Hayn Lahaa
Boosaaso(MMedia) Gudigii Doorashada ku meelgaarka ee Dhawaan ay Magacaabeen Magacabeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada oo ka koobnaa 9 Xubnood ayaa sakaaka waxaa Golaha Wakiilada Horyimi Si loo ansixiyo 7 Xubnood oo Kamida Gudigaas,
Golaha Wakiilada oo ay soo xaadireen 51 Xildhibaan ayaa ay midmid uga Dhagaysteen Xubnaha Gudiga Taariikh nololeedkooda oo kooban,
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ku dhawaaqay natiijada cod u qaadista ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan 51-da xubnood goob jooga ka ahayd fadhigii baarlamaanka ay isku raaceen in xasaanada shaqo lasiiyo xubnaha uu ka koobanyahay gudiga doorashada Puntland,waxaana uu sheegay sidaas darteed inuu ansaxyahay gudiga doorashada Puntland.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo hadlay kadib ansxinta gudiga ayaa waxaa uu sheegay inay maanta tahay maalin taariiq u ah shacabka Puntland,waxaana uu soo jeediyay in gudiga looga baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gutaan howlahooda shaqo.
Barqad Cali Saalax oo ka mid ah sagaalka xubnood ee gudiga doorashada Puntland ayaa dhankiisa soo dhoweeyay codkii ay baarlamaanka Puntland ay siiyeen,waxaana uu balanqaaday inay hortaalo howlo aad u badan oo uu sheegay in looga baahanyahay in wax laga qabto.
Sagaalka xubnood ee guddiga doorashada Puntland ayaa waxaa 5-ka mid ah lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Puntland,waxaana afarta kale magacaabay gudoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi,waxaana gudiga ay kala yihiin:
1-Dr Maxamed Xasan Bare
2- Barkhad Cali Saalax
3- Cismaan Maxamed Xasan
4- Axmed Maxamed Axmed
5- Muxubo Muuse Ciise
6-Dr.Cali Cabdiraxmaan Xirsi
7-Yuusuf Xaaji Saciid
8-Maxamuud Soofe Xasan
9-Cabdirisaaq Axmed Shiikh Shoolaa.
Guddiga doorashada KMG ah ee Puntland ayaa hawlaha ugu horeeya ee horyaala waxaa ay kala yihiin:
1-Afti uqaadida dastuurka dowlada Puntland.
2-Qaabkii iyo habkii loo furi lahaa ururada siyaasiga ah si loogu gudbo nidaamka xibiyada badan ee ku dhisan dimuqraadiyada islamarkasina looga gudbo nidaamka beelaysan.
Maakhir Media Boosaaso
