Dhag-tuure oo Dagaal Dib Uga curtay
Muqdisho(MMedia) Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed ayaa mar kale ka qarxay deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug.
Wararka ka imaanaya degaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in goor dhaw dagaal uu dib uga qarxay degaankaasi kaasi oo u dhaxeeya beela halkaasi wada daga oo isku haya lahaanshiyaha dhul daaqsin iyo ceelbiyood xili maalmihii u dambeeyay xaaladda degaanka ay aheyd mid dagan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xooggan sida ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka, waxaana la tilmaamay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan rasaas iyo madaafiic taasi oo saamayn ku yeelatay dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool halkaasi.
Ilaa hada macadda qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray beelaha dagaalamaya iyo dadka rayidka ah sababa la xiriira dagaalka oo wali soconaya hase ahaatee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka shacabka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan degaanka uu dgaalka ka dhacayo.
Degaanka dhagtuurka ee gobolka Mudug ayaa dagaalka ka socda waxa uu yahay mid daba socda dagaalo halkaasi labo beelo horay ugu dhaxmaray, waxaana uu imaanayaa dagaalka xili gobolkaasi ay ku sugan yihiin gudiga dib u heshiisiinta qaranka oo halkaasi u jooga dhaxe dhexaadinta Maleeshiyaadkaasi.
Maakhir Media Muqdisho
