R/Wasaare C/weli Gaas oo Macaawino Gaadhsiiyay Dadkii Sii Barakacay+Sawiro
Muqdisho((MMedia) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa gaarsiiyay qoysas fara badan oo barakacayaal ah deeq gar gaar ah oo ay ugu tala gashay Dowladda KMG, si ay caawinaad ugu gaarsiiso dadka ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho.
Howl galka deeq gaasiinta dadkan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudiga Gurmadka abaaraha Heer Wasiir, oo deeqdan ka timid, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaraha uu u qeybiyay ilaa 1500-qoys oo la siiyay Baco, Bustayaal, Raashin, Lacag iyo dhar.
Deeqdan loo qeybiyay dadka barakacayaasha ayaa ka dhacday School-ka Maxamuud Mire ee degmada Waabari, halkaasoo uu gaaray Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu dadkaas mid mid ugu qeybiyay deeqda raashinka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay goobta ayaa hadal uu jeediyay waxaa ugu baaqay Ganacsatada, Jaaliyadaha dibada inay gar gaaraan dadka tabaaleysan ee abaaraha ay soo barakiciyeen, isagoo sheegay in Dowladda ay kaalin weyn ka qaadan doono gar gaarka dadka faraha badan ee u baahan in la caawimo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo ka soo hayaamayay Gobolada dalka, kuwaasoo xaalado abaareed ka soo barakaciyeen deegaanadooda, iyagoo ku waayay wixii xoolo ee ay lahaayeen, saameynta abaaraha darteed.
Maakhir Media Muqdisho
